A helicopter with members of the French intervention gendarme forces hover above the scene of a hostage taking at an industrial zone in Dammartin-en-Goele, northeast of ParisParis(ANN)Booliska Magaalada Paris , ayaa sheegay in la dilay qof maanta, iyadoo laba goobood oo kala duwan lagu haysto dad la afduubay xili ay Boolisku weli raadinayaan laba Nin oo Arbacadii 12 qof ku dilay xarunta wargeyska Charlie Hebdo (Charlie Weekly).
Xaalada magaalada Paris, ayaa gebi ahaanba is bedeshay, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laba goobood oo kala duwan lagu haysto dad ay kooxo hubaysan ku qabsadeen maanta, iyadoo aanay Boolisku weli awood u yeelan inay xaqiijiyaan dadka wax afduubay tiradooda iyo afduubayaasha marka laga reebo inay shaaciyeen in dhisme madbacad ah ay koox dablay ah ku haystaan dad dhawr qof ah, halka goobta kale oo ah Supermarket ku yaal Paris lagu haysto dad aan la shaacin tiradooda.
Hawlagalo ay Boolisku ku doonayaan inay xaalada wax kaga qabtaan ayaa socda, waxayna arrintani si weyn wax uga bedeshay xaalada amaanka Paris, iyadoo laba qof oo kale maanta la dilay sida ay shaaciyeen Boolisku mudadii ay socdeen afduubyadu.
Madaxweynaha Dalka faransiiska, ayaa isugu yeedhay golihiisa wasiiradda si xaaladda wax laysaga weydiiyo, waxayna xaalada u muuqataa mid si weyn wax uga bedeshay deganaanshaha iyo xasiloonida dalka faransiiska, gaar ahaan Paris oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu degan xagga amaanka.
Boolisku waxay shaaciyeen sawirad laba qof oo midkood tahay Haweenay, kuwaas oo ay sheegeen inay uga shakisan yihiin afduubyada.
Sidoo kale waxay Boolisku sheegeen in labada goobood ee dadka lagu afduubay midkood ay haystaan laba Nin oo walaalo ah, kuwaas oo ay magacyadooda ku sheegeen Said Kouachi, 34 jir ah, walaalkii Cherif oo 32 Jir ah. Labadaa nin oo sanadkii 2008, lala xidhiidhiyay Kooxaha Argagixisada, isla markaana ahaa kuwo ay raadinayeen Boolisku kadib markii lala xidhiidhiyay weerar 12 qof lagu dilay Arbacadii xarunta wargeyska Charlie Hebdo (Charlie Weekly).
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com