Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan  Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay sarkaal ka tirsan xisbigaa Maxamed Cabdi Yuusuf Dheereeye  oo ahaa xoghayaha degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa u qaabilsan xisbiga WADDANI.

 

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa canbaareeyay xidhiga sarkaalkaa, wuxuuna  ugu baaqay  xukuumadda Kulmiye inay degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso masuulkaas, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo warbaahinta loo qaybiyay caweyskii caawa.

 

“Waxaan Cambaaraynayaa xadhiga xukuumadda Kulmiye ay kula kacday Xoghayaha Degmada Ibaahin Kood Buur ee xisbiga Waddani oo lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in degdeg loo sii daayo, xoriyadiisana si bilaa shuruud ah loogu soo celiyo.” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa.

 

“Maaha in siyaasiga iyo shacabka lagu xidho aragtidooda siyaasadeed, waxaana u damaanad qaaday shuruucda dalka in xoriyadiisa lagu xidhana maaha.

 

Mudooyinkii u dambeeyey waxa isa-soo tarayey xadhiga, cabudhinta iyo cago-juglaynta ay Xukuumadda Kulmiye kula kacayso masuuliyiinta xisbiga Waddani ee gobolada dalka gaar ahaana gobolada Togdheer iyo Hargeysa.

 

Haddii talaabooyinka noocan ah ee ka dhanka ah xisbiyada mucaaridku ay sii socdaan xiligan ay Somaliland isku diyaarinayso doorasho Madaxtooyo inay gasho, ayaa waxa ay shaki galin karaan in dalka Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo si daahfuran ay xisbiyada mucaaridku u helaan xuquuq la mid ah ta xisbiga talada haya ee Kulmiye.”  Ayuu yidhi Buubaa.