Araweelo News Network

Hargeysa (JANN)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in dowladda, xisbiyada qaranka iyo Beesha Caalamkuba isla qaateen in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada la qabto inta lagu jiro sannadkan 2020, isagoo xusay in dhinac walba si buuxda diyaar ugu yahay qabsoomidda doorashada.

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo hadal ka jeediyey xafladda magaalada Burco loogu sameeyey Abwaan Cismaan Axmed Maxamed (Ku-jare) oo si rasmi ah xisbiga WADDANI ugu biiray shalay, waxa uu xusay in doorashooyinku ka mid yihiin fulinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay dadka muwaadiniinta ah leeyihiin.

“Madaxweynaha, xisbiyada qaranka, aqoonyahanka iyo bulshada caalamkuba waxay bilihii u dambeeyey culayska saareen sidii doorasho loo qaban lahaa oo looga gudbi lahaa doorashadan dalka ee kolba dib u dhacaysa, iyadoo doorashooyinku ka mid yihiin waxyaabaha ay Somaliland ka iibiso caalamka oo xuquuqaha muwaadiniinta ee dastuuriga ah loo heli lahaa, waana siyaasad la isla wada qaatay oo qaranka oo dhan qayb weyn ka ahaa oo ay majaraha u hayeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Axsaabta mucaaridku, waana siyaasad ay danaynayeen Bulshada Caalamka ee innaga bixisa deeqda doorashooyinku,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI.

Waxa kaloo uu Md. Barkhad Batuun soo qaatay kulankii ay Madax-dhaqameedka reer Awdal la yeesheen Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka, waxaannu yidhi; “Shalay (maalintii Axadda), waxa dhacday wada-tashi weyn oo lagaga wadahadlay sidii ay dalkan doorasho uga dhici lahayd oo labeentii Gobolka Awdal iyo hormuudkii madaxda xisbiyada qaranka iyo dowladda iyo Madaxweynuhuba ay ka wadahadleen oo caqabadkasta iyo qodax kasta oo doorashada hortaagan sidii looga qaadi lahaa, waxa qaybta koowaad iyo masuuliyadda koowaad ay saaran tahay waa Xukuumadda, Wasiirraduna waa inay ku shaqeeyaan siyaasadda Madaxweynaha, laakiin in ay Madaxweynaha hoos dhigaan mudacyo iyo masaabiir waa wax aan maanka gelayn. Ninkaas Wasiirka ahi waxa uu aflagaadaynayey oo uu si qaddaf ah ula hadlayey Gobolka Awdal dhallinyaradooda.”

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale iftiimiyey waxyaabaha ay xisbi ahaan ka aamisan yihiin Gobolka Awdal, waxaannu yidhi; “Anagu xisbi ahaan waxa aannu aamminsannahay, Somaliland-na ogtahay in tacabka ugu badan ciddii gelisay dhismaha Somaliland ee lagu soo aasaasay tiirarka nabadgelyada iyo horumarka, sharciga iyo dowladnimada Somaliland inay tahay magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal. Salaadiinta Gobolka Awdal, siyaasiyiintooda, culimadooda, haweenka iyo dhallinyaradooduba waxay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda Somaliland, aflagaado iyo qaddafna ma geyaan, fogayn iyo ceebaynna ma geyaan, in Somaliland laga sheegto oo nin inta uu Burco yimaado uu yidhaahdo waad kibraysaana xaq qabta oo ay leeyihiin maaha, xurmo ay leeyihiina maaha, lagamana xishoonin, waxaanan is leeyahay haddii uu dhallinyarada Awdal la hadlayey iyo haddii uu bulshada Awdal-ba la hadlayey Wasiirku ma dhaadanna, kumana foogana in aqoonta dhallinyarada Gobolka Awdal ay tahay faraawalka (ubaxa) qurxiya geedka Somaliland. Salaadiinta Awdal, siyaasiyiinta Awdal iyo aqoonyahanka Awdal ma jirto cid uga lexejeclo badan Somaliland oo iyagu ma qabaan tabasho iyo calaacal iyagu ma qabaan, laakiin waxay leeyihiin uun wanaagga Somaliland ayaannu markasta calanka u sidnaa, in la soo dhaweeyo oo wax lala eego ayey masuuliyaddu tahay, cidda masuuliyaddaasna madaxa ku qaaday waa Madaxweynaha iyo xisbiyada qaranka, hawshaasina way dhammaatay, doorashaduna way inoo dhacaysaa.”

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay inuu dhallinyarada Gobolka Awdal xaal ka siinayo hadalkaas ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dhallinyarada Somaliland ee reer Awdal ee sharafta leh xaal ayaan ka siinayaa hadalkaas xannafta leh ee xurmadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo meel kaga dhacayey. Nin jooga Hargeysa, Burco ama Berbera dhallinyarada reer Awdal kama sheegan karayo Somaliland.”

Afhayeenka xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ay shaqada u taal tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dhinaca jidadka dhibaatada ku haya dadka Somaliland, isagoo xusay in aanay jirin ceeb ka weyn in muddada saddexda sanno ah ee uu Wasiirkaasi xilka hayey uu qabtay dhismaha 12km oo qudha oo ka mid ah jidka Berbera Corridor.