Araweelo News Network

Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa soo xidhay shir muddo saddex maalmood ah u socday waaxaha kala duwan ee madaxtooyada Somaliland kaas oo lagu lafo-guray qorshe-sanadeedka 2018-ka ee ay yeelan doonaan waaxaha ka hawl-galaa.

Kulankaa oo muddo saddex maalmood ah socday, ayaa si qoto dheer loogu faaqiday qosheyaasha kala duwan ee ay ku hawlgeli doonaan waaxaha kala duwan ee madaxtooyada, iyada oo waax waliba ay halkaas kusoo bandhigay qorshaha ay ku hawlgeli doonto, taas oo lagula xisaabtami doono, laguna qiimayn doono.

Gebogebadii ujeeddooyinkii kulankaas iyo sababaha looga gol leeyahay ajandeyaasha sanadlaha ee halkaas lagu soo soo bandhigay, waxa si faahfaahsan uga warbixiyey agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Cali Bile, kaas oo sharraxay hadafka laga leeyahay qorsheyaasha kulanka kasoo baxay, waxaana hadalladiisii kamid ahaa, “Shirkaas waxa inooga soo baxay qorshe-hawleed tifaf-tiran oo waax kasta oo madaxtooyada katirsan ay samaysatay, kaas oo hagi doona hawlaha ay waaxaha kala duwan ee madaxtooyadu fulin doonaan inta sanadka ka hadhay, taasina waxa ay faa’iido leedahay in qof kasta oo madaxtooyada ka shaqeeyaa uu yeeshaa qorshe iyo masuuliyad gaar u ah, si aynu isu qiimayno marka uu sanadku dhammaado oo aynu nidhaahno wixii aynu qorshaysannay maxaa inoo hirgalay, maxaase caqabad inaga hor timi oo aynu xalkeeda u baahannahay.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu agaasimuhu hoosta ka xarriiqay in qorsheyaasha sanadlaha ah ee loo ballaysimay waaxaha kala duwan ee madaxtooyadu ay fududayn doonaan iska war-haynta madaxtooyada iyo bulshadii soo dooratay, taas oo uu ku tilmaamay ujeedooyinka ay waaxahani u taagan yihiin,“Waxa kale oo ii farxad ah in madaxtooyadu ay imika yeelatay dhawr waaxood oo kuwii hore u jirey iyo kuwo cusub oo la casriyeeyey ah, waxaana kamid ah waaxda warbaahinta, waaxda xidhiidhka bulshada iyo waaxda cusub ee wacyigelinta, waxaas oo dhanna waxa looga jeedaa in la hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya madaxtooyada iyo bulshada. Bulshadu waxa ay igmatay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, inay u fuliyeen qorshihii ay ololaha ku galeen, annaguna anagoo ah waaxaha kala duwan ee madaxtooyada ee kaalinaya shaqada madaxweynaha waa inaanu isku xidhno madaxtooyada iyo bulshada, si bulshadu ula socoto wax kasta oo uu madaxweynuhu qabanayo, waxa kale oo aanu qaban doonnaa inaanu madaxweynaha la socodsiinno waxa bulshadu tabanayso, si madaxweynaha iyo bulshadii soo dooratay isugu xidhnaato,” ayuu yidhi agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile.

Tallaabada qosheyaasha cadcad loogu sameeyey waaxaha kala duwan ee madaxtooyada, ayaa ah mid lagu dardar gelinayo hawlaha xarunta madaxtooyada, laguna fududaynayo xidhiidh toos ah oo dhexmara madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo bulshadii soo dooratay, waxaana ay safka hore kaga jiraan hiigsiga iyo himilooyinka agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.