Ceegaag(ANN)- Wejiga koowaad ee Hawlaha nabadaynta ee lagu soo afjarayo shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Gocandhaale, taas oo u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee wada Horufadhi iyo Ceegaag oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, halkaas oo maalmihii u dambeeyey Ergooyin ka kala socda Dhaqanka Beelaha, Culimada iyo Dowladda Somaliland, Aadan Cabdullaahi Cabdalla, ayaa heer gebo-gabo ah maraysa, isla markaana la filayaa in dhawaan guul lagu soo afjaro.

Xubno ka tirsan Culimada Ergada ka qaybta ka ah, Guddoomiyaha Deegaanka Ceegaag Axmed Ciise Cawil iyo Taliyaha Qaybta 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mahad Canbaashe Cilmi, ayaa ka warramay halka ay nabadayntu marayso iyo qiimaha ay nabad ku wada noolaanshuhu u leeyahay Bulshada. Waxaanay u mahad-naqeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Waftiga uu hoggaaminayo ee dawladda metelaya, isuna xil-saaray nabadaynta beelaha walaalaha ah.

“Waxa innoo furmay shirkii Nabadda labada beelood ee Qocandhaale iyo Ceegaag, waxaanan u mahad-naqayaa Ergooyinka deegaannada kala duwan ka yimi ee Madaxda dhaqanka, Ciidanka Qaranka iyo Agaasimaha guud ee Diinta iyo Awqaafta, oo aslaaxiyey siigadii iyo boodhkii colaadda, isla markaana ku guulaystay inay dhaliyaan in si degdeg ah nabad loogu fadhiisto, waxaanay ku qanacsan yihiin in nabaddii Tol, Daris, Dowlad iyo Ciidanba loo fadhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawil.

Sidoo kale, Taliyaha Qaybta 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mahad Cambaashe, oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Wax badan baynu qabannay oo innoo soo dhawaaday, waxaynu qabannay xabbaddii dhacaysay waynu joojinnay Allaah mahaddii. Waxaan u hambalyeynayaa Labada Qolo ee Shaqaaqadu ka dhaxaysay inay na maqleen. Waxaanan ku boorrinayaa labada qolo sidaad noo maqasheen waxa ummaddu soo jeediso ee dan la moodo inaad qaadataan. Marka ay wax qaldamaanna waxaannu xaq u leenahay in hadday nagu kallifayso la dagaallanno.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdullaahi Cabdalla, oo ka hadlay Kulankaas lagaga arrinsanayey sida loogu gudbayo wejiga labaad ee nabadaynta, ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharCi ah laga qaadi doono Cidkasta oo ka hortimaadda ilaalinta nabadda iyo hirgelinta heshiisyada nabadda, waxaanu u mahad-naqay dhinacyada ka hawlgalay arrintan.

“Waxaan u mahadnaqayaa Ergada iyo guud ahaan reer Ceegaag oo iyaga marti loo ahaa, waxaan sidoo kale u mahad-naqayaa Ciidanka Qaranka oo Taliye Mahad innagala joogo oo runtii aan la illaawi karin oo muujiyey karti iyo dedaal. Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyska iyo Qaraabada Marxuumkii shaqaaqada ku baxay.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Aadan Cabdillaahi Cabdalla.

“Annagu halkan waxaannu u joognay oo aannu ka mid nahay Dadka nabadda ka shaqaynaya. Waxaan u mahad-celinayaa Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi tallaabadii degdegga ahayd ee uu arrinkan ka sameeyey, isla markaana dowlad ahaan wixii arrinkan nagaga beegma in deegaankan nabad lagu soo dabbaalo inay Dowladdu diyaar u tahay waan uga mahad-celinayaa.” ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan oo ka hadlaya tallaabada ay dowladdu ka qaadi doonto ciddii nabadda ka hortimaadda, waxa uu yidhi; “Ciddii nabadda ka soo horjeedda, amma la dagaallamaysa, amma horumarka ka dagaallamaysa, ee degganaantan iyo wanaaggan ka soo horjeedda dowladdu meel bay ka istaagaysaa, waxbaa uga meel-yaalla, waxaanay runtii dowladdu qaadi doontaa tallaabada ku habboon.”

 

Dowladda Somaliland oo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, ayaa xil wayn iska saarta soo afjaridda shaqaaqooyinka beelaha dhex-mara, isla markaana u dirta Ciidammo kala dhexgala darafyada is-haya iyo Waftiyo xadhigga nabadda gunta. Hawlaha ay xilligan Waftiga agaasimaha guud ee Diinta iyo Awqaaftu u joogaan halkaasna waxay qayb ka tahay tallaabooyinka ay dowladdu ku doonayso inay nabad iyo xasillooni ku soo afjarto shaqaaqada Gocandhaale.