By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland

Addis Ababa(ANN)- Madasha Maalgashiga Afrika ee loo soo gaabiyo (AFSIC ), ayaa shaacisay in Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Ahmed Shide ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaaminta Ganacsiga ee 2020 Afrika.

Sidaana waxa shaaciyay Golaha Tifaftirka Majaladda Hoggaaminta Afrika (the African Leadership Magazine), oo sidoo kale shaaca ka qaaday qiimaynta 17ka qaybood ee Abaalmarinta Hoggaaminta Ganacsiga Afrika  ee sanandka 2020.

 

Abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda Afrika ee Sannadka ugu Fiican, ayaa sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Majaladda hoggaaminta Africa (the African Leadership Magazine) ee xarunteedu tahay magaalada London ee Cariga UK.

Majaladda ayaa sidoo kale, ayaa abaalmarino siiyay 15  guuleyste oo kale, kuwaas oo sannadka loo aqoonsaday in ay ku guulaysteen qaybaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Hoggaaminta Ganacsiga Afrika ee Dhiirigelinta, Hoggaamiyaha Ganacsiga Afrika ee Sannadka, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee sannadka, Halyeeyada ganacsiga ee COVID-19, iyo Hoggaamiyaha Ganacsiga Haweenka ee Afrika ee sannadka iyo Hoggaamiyaha Ganacsiga Yaryar ee Qeybaha sannadka 2020.

Dr Ken Giami, oo daabaca Majaladda (The African Business Leadership), ayaa isagoo daaha ka qaadaya liiska guulaysteyaasha, yidhi, “Ku guulaystayaashayada iyo dhammaan dadka la magacaabay waxay runtii mudan yihiin in lagu aqoonsado shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen sannadkii la soo dhaafay, wayna sii wadaan inay wax ka qabtaan horumarka qaaraddeenna. ” ayuu yidhi. Dr. Ken.

 

Wuxuu sheegay in Abaalmarinaha Hoggaaminta Ganacsiga ee Afrika ay yihiin xaflad sumcad sharaf leh oo lagu abaalmariyo dhaqamada shirkaddaha gaarka ah iyo guulaha la taaban karo ee ganacsiga Afrika iyo waaxdeeda gaarka ah.

Majaladda lagu daacabay warbixinta, ayaa lagu sheegay in ku guulaysteyaashu ay kusoo baxeen hannaan 3-tallaabo ah oo ku salaysan geedi socod xulasho oo ay ku jirto yeedhis, magacaabid; codbixin onlayn ah oo loogu talagalay dadka la soo xulay; iyo dib-u-eegistii ugu dambaysay ee guddiga tifaftirka magacyada iyo soo gudbinta codbixinta, ayaa lasii raaciyay qoraalka.

 

Guulaystayaasha, ayaa sida lagu sheegay qoraalka, waxaa lagu soo bandhigi doonaa abaalmarinahooda oo si rasmi ah loogu qurxin doonaa Abaalmarinaha lagu sharafay  Shirka 5-aad ee Maal-gashiga Afrika iyo Wadahadalka Siyaasadda ee 2020 (virtual), oo loo qorsheeyay in lagu qabto (Via Zoom) laga bilaabo Sebtember 29-30 – 30, 2020.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Ahmed Shide ee ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaaminta Ganacsiga ee 2020 Afrika, ayaa ah masuulka ugu sareeya ee xil ka haya Soomaalida dalka Ethiopia, wuxuuna  xilkani uu abaalmarinta ku mutaystay hayay ilaa 2018-kii, kaddib markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ka soo reebay xukuumaddii isaga ka horeysay ee Hailemariam Desalegn.

Ahmed Shide, wuxuu hore usoo noqday wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta dalka Ethiopia, waana  hoggaamiyaha xisbiga haya maamulka Soomaalida Ethiopia.

Soomaalida dalka Ethiopia ayaan inta badan xilal ka qaban dawladda dhexe ee heer Federaal, iygoo aan saamayn ku yeelan siyaasada, isla markaana magic iyo sumcad usoo jiidin dadka Soomaalida ee dalkaasi, balse Ahmed Shide waxa uu noqonayaa ninkii 2-aad ee magac ku yeesha Siyaasada Soomaalida ee Ethiopia, waxaana ka horeeyay Dr. Cabdimajiid Xuseen oo saamayn ku yeeshay ka hor intii aannu geeriyoon  siyaasada dalka Ethiopia, xilligii ay dawladda Ethiopia nidaamka is maamulka federaalka samaynaysay saggaashanaadkii.

Hase yeeshee, Axmed Shide oo abaalmarintani ay kula tartameen wasiir badan oo Afrika ahi waxa uu galay kaalinta koowaad, kadib markii uu wax ka qabtay dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay xanuunka COVID-19. sida lagu daacabay Wargeyska Financial Times.

Ahmed Soliman, oo ah cilmi baadhe qayb ka ah Chatham House’s Africa  ayaa ku tilmaamay Axmed Shide nin aqoon badan leh, isla markaana keeni kara inuu Ethiopia ka dhigo xarunta maalgashiga ee gobolka, isagoo ka faa’iidayn doonna Dekeddaha gobolka sida Djibouti iyo Somaliland.

“Ethiopia waxay doonaysaa inay noqoto xarunta wax dhoofinta ee gobolka Geeska Afrika waxaanay doonaysaa inay hawshani soo geliso wadamada Djibouti, Ethiopia Eritrea iyo Somaliland, si ay uga dhigto adeeggeeda wax dhoofineed mid tartan gelin karta”ayuu yidhi.

 

Guusha abaalmarinta ee Ahmed Shide ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid marka horeba la sii saadaalin karayay, marka la eego kaalinta uu ka ciyaaro isku xidhka dhaqaalaha gobolka iyo sida loo ilaaliyo ganacsiga dalkiisa marka ay dhibaatooyinka  khilaafka iyo iska horimaadyada ka socda dalkiisa iyo xanuunka covid19,  in haddana aanu hoos u dhac caynkaasi ku iman dhaqaalaha dalka Ethiopia.

 

Maaha markii ugu horaysay ee Abaalmarin noocan oo kale ah uu ku guulaysto Wasiir Shide Tan iyo  Markii uu Ra’iisal wasaare Abiy u magcaabay Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia, balse dabayaaqadii Sannadkii 2019, ayaa Ahmed Shide waxa loo Aqoonsaday Wasiirka ugu fiican dhanka Maaliyada Ee Qaarada Afrika, wuxuuna xllligan ku guulaystay Abaalmarinta Hoggaaminta Ganacsiga Afrika  ee sanandka 2020.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Email: Jaamac132@gmail.com