Araweelo News Network.

Somalia: Ajakis Jilaagii Banaadiriga Ahaa Oo Ka Baxay Masraxa Caweyska Iyo Madadaalada.

 

Muqdisho(ANN)-Barnaamij soo saare sare iyo madadaaliye muturjum ahaa, ayaa ka baxay masraxa madadaalada iyo majaajilada bulshada Soomaalida, Allah ha u naxariistee majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere, “Ajakis”, ayaa ku geeriyooday magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomalaiya.

Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray Cisbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadda uu ka deganyahay Magaaladda Muqdisho.

 

Hase yeeshee majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere, “Ajakis” wuxuu maanta ku geeriyooday magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaana geeridiisa ka murugooday malaayiin Soomaali ah oo qaarkood magaciisa hore uga barteen Filimada Hindiga, halka kuwo kalena si toos ah ugu xidhnaayeen barnaamijyada uu soo saari jiray ee ka bixi jiray Telefishanka Univerdsal TV, oo uu ka ahaa tiir weyn ooh al-abuur leh.

Daawo Mawduucan

Barnaamij soo saaraha Cabdi Muridi Dheere “Ajakis” ayaa kusoo shaac-baxay Tarjumaadda Filimada Hindiga oo Soomalidu aad u daawato sagaashanaadkii, wuxuuna inta badan Tarjumaadda Filimada Hindiga codkiisa tarjumi jiray Jilaa u dhashay dalka Hindiya oo Soomaalidu u taqaanno Ajakis. Sidaa ayuu markaa kaddib kula xidhiidhay Magaca uu caanka ku noqday ee Ajakis, balse xilligaa waxa la maqli jiray inta badan codkiisa oo keliya, maadaama Filimada codka la saari jiray, iyadoo Soomaali laga dhigayo.

Hase yeeshee wuxuu masraxyda siyaasada iyo muraayaddaha laysla arko kasoo muuqday markii ay Saaxada Bulshada Soomaalida soo galeen Telefishanada, isagoo markaa Cabdi Muridi Dheere “Ajakis”, ka mid noqday Telefishanka Universal oo ka mid ah kuwa ugu caansan geyiga Soomaalida, isagoo ka noqday soo saaraha barmaamij caan ahaa oo ka bixi jiray Telefishanka Universal, kaasoo uu sitay magaca “Faaliyaha Qaranka,” isla markaana lagu falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya iyo hadba xaalada taagan.

Cabdi Muridi Dheere “Ajakis”, ayaa mar kale hal-abuuray Barnaamijka Masraxa-furan, kaas oo ahaa madadaalo iyo caweys oo ay ka qaybgalaan dhalinyaro mararka qaar ka taga deegaamo kala duwan oo Soomaaliya ah iyo kuwo qurbaha ka yimaada.

Barnaamijkaa oo su’aalo, hal-xidhaale iyo sugaan  laysku furto qofka masraxa looga yeedho caweyska habeenkaa, ayaa ku dhammaan jiray tartan daawadayaasha masraxa ka qaybgalay iyo kuwa shaashadaha kala socda si weyn uga qosliya habeenkaa.

Sidoo kale hal-abuurka barnaamjikiisa Masraxa-furan, ayaa xanbaarsanaa wacyigelin, wadaniyad, is-dhexgal iyo in dhalinyarada lagu beero jacayl dhex-dooda ah, wuxuuna Barnaamjikaa oo si todobaadle ah uga bixi jiray Universal Tv noqday mid shacbiyad badan, isagoo ku qaban jiray Magaalada Muqdisho oo caan ku ah dilalka qorshaysan, qaraxyada iyo Afduubka, isla markaana aanay ka jirin xasilooni buuxda.

Allah haw naxariistee marxuum Cabdi Muridi Dheere “Ajakis”, Waxa kale oo uu ahaa majaajiliste lahjada Banaadiriga si kalsooni leh bulshada ugu gudbin jiray sheekooyin madadaalo iyo mawaadiic sarbeeb ah, wuxuuna ahaa shaqsi ay dadku aad u xiiseeyaan mawduucyada barnaamijyada iyo masraxiyadiisa oo uu in badan Bulshada Soomaalida kaga helay kasbasho.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.