Kartuum(ANN)-Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan Cumar al-Bashiir, ayaa lagu xukumay xadhig laba sanandood ah, wuxuu fadhiyay qolka eedaysanaha intii lagu gudajiray dacwadiisa ku saabsan helitaanka sharci darada ah iyo adeegsiga lacagaha qalaad ee Khartuum.


, Wakaaladda wararka ee Anadolu Agency, ayaa sheegtay in Maxkamad ku taal Khartuum ku heshay Al-Bashiir oo 75 jir ah, musuqmaasuq iyo inuu haysatay lacag shisheeye oo aan sharci ahayn.


Garsooraha Maxkamadda xukunka ku riday Al-Bashiir, ayaa sheegay in aan xabsiga la geynayn, balse lagu haynayo goob uu ku sheegay xarun “Dhaqan-celin”, wuxuuna arrintaa ku sababeeyay in Al-Bashiir uu yahay 75 jir – waxayna go’aankaa dad badan oo reer Suudaan u arkaan inuu yahay xukun fudud oo lagu riday.


Fadhiga maxkamadda waxaa markii hore hadheedhay dibadbaxayaal taageersan Cumar Xasan Al-Bashiir, kuwaas oo qeylo billaabay markii uu Garsoorahu ku dhawaaqi lahaa xukunka, waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda.


Garsooraha go’aanka gaadhay Al-Sadiq Cabdiraxmaan, aya yidhi, “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.”
Dacwada lacagta waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan, balse Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Al-Bashiir, wuxuu xilka ku qabsaday afgembi dhacay sannadkii 1989-kii, waxaana xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, 2019, ka dib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday dalkaa oo galaaftay nolosha dad badan oo reer Suudaan ah, isla markaana curyaamiyay dhaqaalihii wadanka.
Madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ahaa hoggaamiye awood badan, isla markaana loo arkayay inuu dalkaa gaadhsiiyay horumar, balse loo arkay digtaytar, walaw ay dadka siyaasada naaqishaa u arkayeen in duufaanada siyaasadeed ee lagu kiciyay xilligaa Al-Bashiir ay haayeen kuwo ay ka danbeeyeen dalalka Khaliijka oo ay adeegsanayaan Isaeil iyo Maraykanku.

Al-Bashiir ma cadda in loo maxkamadayn doono eedihii xuquuqda Aadanaha ka dhanka ahaa ee dhacay muddadii uu xilka hayay, sida xasuuqii Darfur, waxaana horre loo shaaciyay in Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ay Al-Bashiir la raadinaysay dacwad la xidhiidha xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin kuwii ka dhacay Darfur.


Dhinaca kale Xeer Ilaalinta Sharci darrada iyo Tuhunka ah ee Suudaan, ayaa xabsiga dhigtay maalmihii lasoo dhaafay, Marwo Widad Babiker oo ah xaaska madaxweynaha xukunku ku dhacay ee Cumar Al-Bashiir, waxaana la sheegay in lala sugayo baadhitaan ku saabsan eedeymaha musuqmaasuqa.

Sida ay shaacisay shalay Warbaahinta Araweelo News Network oo soo xiganaysay warkaa oo lagu baahiyay Bogga Internetka ee middleeastmonitor.com oo soo xigtayay Bogga internet-ka ee Alhurra, hoggaamiyaha ciidammada xoreynta iyo isbedelka, Mohamed El Amin Abdelaziz, wuxuu ku dhawaaqay in yeedhitaanka Widad Babiker ay la xdhiidho arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan dhulal la deggan yahay oo ay ku leedahay aagga raaxada ee Kafouri ee aagga raaxda ee degmada Bahri District, ee Khartuum.


Mohamed El Amin Abdelaziz, wuxuu sheegay in Haweenayda Madaxweynihii hore ee Suudaan Marwo Widad Babiker ay suurtagal tahay in loo wareejiyo xabsiga dumarka ee (Kober Prison), oo lagu haynayo ilaa inta baadhitaankeedu socdo.