Kabul(ANN) Hoggaamiyaha Al Qaacidda Sheekh Ayman Mohammed Rabie al-Zawahiri, ayaa soo saaray Bayaan kasoo baxay hoggaanka guud ee Urur weynaha Al Qaacidda, kaas oo lagu bogaadiyay heshiiskii February 29th, 2020, ay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku kala saxeexdeen Mujaahidiinta Taliban ee Afghanistan iyo dowladda Maraykanka.

Mujaahidiinta Al Qaacidda ayaa bayaan seddax bog ka kooban oo ay kaga hadleen heshiiskaa ku tilmaamay mid taariikhi ah, isla markaana bayaanka, ayaa si qota dheer uga hadlay nuxurka heshiiskii dhaxmaray Taliban iyo Maraykanka.


Bayaanka Urur weynaha Al Qaacidda oo ciwaan looga dhigay {إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا} ayaa ugu Mujaahidiinta Taliban ee imaarada Islaamiga ah iyo shacabka muslimiinta ah ee Afghanistan ugu hambalyeeyay heshiiskaa oo ay Hoggaanka Al Qaacidda ku tilmaameen guul weyn oo ay ka gaadheen jihaadka ay kula jiraan Maraykanka iyo xulufadiisa.

Al Qaacidda waxay ugu baaqday muslimiinta caalamka in ay taageeraan, isla bar-bartaagaan Imaarada Islaamiga ee Afghanistan (Taliban) oo kala shaqeeyaan sidii dib loogu yagleeli lahaa dowladdii Islaamiga ahayd ee cadowgu bur-buriyay sanaddii 2001, kadib duullaan ay ku sifeeyeen inuu ahaa mid saliibi ah oo ka dhan ahaa, ama lagu qaaday dalka Afghanistan.

Hoggaamiyaha Al Qaacidda Ayman Mohammed Rabie al-Zawahiri, ayaa mujaahidiinta ka halgamaysa gudaha Afghanistan ugu baaqay inay adkeeyaan heshiiskii lala galay Maraykanka, wuxuuna ka digay inay qaadaan wax walba oo bur-burin kara heshiskaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhiya oo muujiyay sida uu ku xusay bayaanka in sanka dhulka loogu jiiday Maraykanka.

Al Qaacidda waxay bayaanka ku sheegtay in qabweynidii Maraykanka ay ku hor bur-burtay caalamka markii uu February 29th, 2020, Imaarada Islaamiga ah heshiis dhigaya bixitaan uu kula saxeexday magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Bayaanka, ayaa Shacabka Afghanistan ugu baaqay inuu imaarada Islaamiga ah ee Taliban kala shaqeeyo dib udhiska wadanka iyo sidii bulshada gummeystuhu dhibaateeyay horumar iyo barwaaqo loo gaadhsiin lahaa.

Bayaanka Al Qaacidda ayaa kusoo beegnatay, iyadoo caalamka si weyn looga hadal hayo heshiiska Maraykanka iyo Taliban, sidoo kale wuxuu bayaanka Al Qaacidda kusoo beegmay, iyadoo Madaxweynaha Dalka Afghanistan Ashraf Ghani amar ku bixiyay Arbacadii in lasii daayo dhammaan maxaabiista Taliban ee ku jiray Xabsiyada, kuwaas oo lagu qiyaasay inay gaadhayaan 5,000.

Heshiiskii Dooxa, ayaa dhigayay in lasoo daayo maxaabiista dhammaan ku jira xabsiyada, sidoo kale, wuxuu dhigayay in ciidamada Maraykanka badankoodu ay iskaga baxaan Afghanistan 135 maalmod gudahood, muddo 14 bildood ha, waxaana taa bedelkeeda Taliban ay joojinay weerarada ka dhanka ah Maraykanka.


Sannadkii sanaddii 2001, duullaan ay Maraykanku hoggaaminayeen, ayaa lagu soo qaaday dawladii Islaamiga ahayd ee xarunteedu ahayd Kabul, taas oo Mullah Mohammed Omar oo ka mid ahaa Mujaahidiintii dagaalka la galay midawgii Soofiyeeti mayalka u qabtay.

Balse duulaankaa ayaa si weyn dunida ugu yeeshay saanayn, waxaana duulaanka Maraykanku hoggaaminayay lagu bur-buriyay dalka Afghanistan oo 19 sannadoo ahaa goob dagaal oo khasaare malaayiin mafood ah iyo balaayiin Trilyan hati ah lagu waayay balse Mujaahidiinta Taliban ayaa ugu danbayntii ku khasbay Maraykanka inuu heshiis la galo February 29th, 2020.