diyaarad la riday

Kismaayo(ANN)Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegtay inay soo rideen Diyaarad Kuwa Ciidamadda Milateriga Kenya ee loo yaqaan Miigga, taas oo kusoo dhacday meel qiyaastii 30 -40Km u jirta Magaalada Kismaayo.

Diyaaradda, ayaa weeraro dhinaca Cirka ah oo duqayn ah ka fulisay deegaankaa. Kad hor intii aan lasoo ridin, waxayna Al-shabaab sheegtay in Diyaarada oo ay wateen Laba bayloot ay dhulka soo dhigeen Ciidamadooda dhinaca Cirka ee ku sugan deegaanka Jubba.

Milateriga Dalka Kanya, ayaan wax war ah kasoo saarin Diyaaradda, mana aha markii u horaysay ee Diyaarad kuwa Ciidamada Milateriga Kenya oo kusoo dhacda Deegaamada ay ka wadaan Duqaynta ee Koonfurta Somalia, waxaana tan iyo markii ay Ciidamadeedu soo galeen gududaha Somalia kusoo dhacay deegaamada dhawr diyaaradood oo kuwa Milateriga ah, balse waxa intooda baddan lala xidhiidhiyay in ay sabab u ahaayeen dhicistoodu sababo dhinaca farsamnada ah, balse Al-shabaab ayaa qaarkood sheegatay in ay soo rideen.

Al-shabaab ayaa maalmihii u danbeeyay weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay gudaha dalka kenya, kuwaas oo saamayn dhinaca amaanka ah ku yeeshay Dalka Kenya, isla markaana sababay in Masuuliyiinta sare ee dawlada wax laga beddelo. Kadib markii weeraradu soo noq noqdeen, wuxuuna weerarka sheegashada Al-shabaab ee Diyaaradaa noqonayaa haddii uu rumoobo mid dhirbaaxo weyn ku ah Ciidamada dalka kenya oo tamardaro la ciir ciirayay.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com