weerarka iyo qaraxa2Mogadishu(ANN)Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in Kooxdii fulisay weerar shalay lagula wareegay Huteelka Makka almukarama ee magaalada Muqdisho oo ay ka socdeen shirar kala duwan, isla markaana ay deganaayeen dublamaasiyiin gebi ahaanba la laayay, isla markaana in kaban 50 qof oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo dad caan ah ay ka badbaadiyeen. Kadib markii Ciidanka Alpha ee Kamaandowstu u galeen gudaha huteelka oo dablaydu dadka ku haysatay.
Wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo maanta warbhiinta la hadlay, ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ahaayeen qiyaastii 6 qof, kuwaas oo sida uu sheegay ku hubaysnaa Hub Culus iyo Banbooyin, balse ka hor intii aanay gelin gudaha Huteelka sameeyeen qarax gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay shalay galabnimadii 27 March 2015.

Waxa uu sheegay in kooxdu doonaysay inay dadka Huteelka ku haystaan oo sidii Westgate mall ee Nairobi marba qof bireeyaan, balse ay ciidammada oo gurmad u sameeyay dadkaa u diideen inay u suurta gasho, isla markaana ku guulaysteen inay soo badbaadiyaan ilaa 50 qof oo u baddan dad bulshada magac ku leh oo qaarkood dhakhaatiir yihiin.
Maareeye wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay wixii dhacay iyo dadkii ku dhintay weerarkaa oo ay ku jireen safiirkii Dawlada Soomaaliya u fadhiyay Switzerland Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Badhibadhi) iyo haweenay la taliye u ahayd Bangiga dhexe oo ka mid ahaa 20 qof oo ku dhintay weerarka, isagoo ku amaanay Ciidanka iyo masuuliyiinta Hay’adaha ammaanka oo smaeeyay gurmad iyo sidii loo badbaadin lahaa dadka ku jiray huteelka.

Wasiir Maareeye, wuxuu sheegay in xilliga weerarku ka dhacay Huteelka ay ka socdeen shirar ay lahaayeen Madaxda Dawlada Somalia iyo Hay’addo Caalami ah, waxa kale oo ku sugana sida uu sheegay Dublamaasiyiin shisheeye, Dhakhaatiir, ganacsato iyo dad kale oo shacab ah. Sidaa darteed uu khasaaruhu intaa ka badnaan lahaa haddii aanay gurmad deg deg ah samayn ciidanka oo soo badbaadiyay dadkii ku xanibmay huteelka.

Hase yeeshee xooggaga Al-shabaab, ayaa bixiyay jawaab ka duwan taas, waxayna sheegeen in 20 saacadood ay haysteen Huteelka kooxdii fulisay weerarka oo aanay sheegin tiradooda iyo magacyadooda midna, waxayna qoraal kooban oo uu soo saaray Afhayeenka khaaska ah ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo lagu baahiyay boggaga taageera al-shabaab lagu sheegay in kooxdii mujaahidiinta ee weerarka fuliyay qaarkood iyagoo nabad qaba ka baxeen halkaa. Kadib markii ay ku guulaysteen ujeedadii laga lahaa weerarka Huteelka Makka Almukarama, balse ma sheegin war saxaafadeedku Al-shabaab ujeedada dhabta ah ee hawlgalkaa iyo tirada iyagoo nabad qaba ka laabtay, waxayse ku xuseen qoraalkaa oo lagu Ingiriisi ah lagu soo saaray in hawlgalka oo qaatay 20 saacadood khasaare lagu gaadhsiiyay, wuxuu ugu yeedhay cadawga, isla markana aanu weerarkani noqonayn kii ugu danbeeyay ee ay sii wadayaan weerarada.
Dhinaca kale weerarka oo dhacay shalay galabtii, ayaan si dhab ah loo ogayn baaxada khasaraha dhabta ah ee uu geystay, iyadoo ciidammada dawlada ay saaka barqadii u suurta gashay inay galaan huteelkaa oo ay ilaa shalay haysteen kooxda weerarka soo qaaday ee al-shabaab.

Huteelka Makka Al-mukarakama oo ka mid ah huteelada ugu caansan Muqdisho, wuxuu ka mid ahaa goobaha sida weyn loo ilaaliyo, iyadoo inta baddan masuuliyiinta dawlada, Dublamaasyiinta iyo dadka dhinaca qurbaha ka tagga u ahaa xarun, isla markaana marar baddan ay Al-shabaab weeraro ula beegsatay, ablse weerarkan ayaa ka duwanaa weerarada inta baddan looga bartay ee ay ku qaadaan huteelada, wuxuuna dadka xusuusiyay weerarkii Nairobi ee Sep 2013, Westgate mall oo ay ku nafwaayen in ka baddan 67 qof oo u badnaa dublamaasiyiin u dhashay dalal shisheeye.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews