Muqdsiho(ANN)- Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyada Ciidmada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Kadib markii ciidamo ka tirsan Al shabaab saaka xilli hore weerrareen saldhigyadaa.

Warar hordhaca oo ka imanaya deegaankaa, ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay halkaas, iyadoo dagaalku ka bilaabmay Kaantaroolada laga galo Magaalada Balcad ee duleedka Magaalada Muqdisho oo qiyaastii wax ka yar 40KM u jirta Muqdisho.

Ma jiraan warar xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerrarkaa, balse warar dhinaca Al Shabaab laga helay oo lagu baahiyay warbaahinta maxaliga ah, ayaa lagu sheegay dagaal  muddo kooban socday kadib ay ciidamada Al Shabaab u suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.