Araweelo News Network

marka5Marka(ANN)Kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ayaa weerartay saldhig milatari ee Laanta Buuro oo ku yaal dhinaca galbeedka Muqdisho, kaas oo ay hore weerrar khasaare baddan dhaliyay ka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in ay Al-shabaab ay ku qarxiyeen saldhiga Laanta Buur gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa loo adeegsado, waxayna wararka qaar sheegayaan in ugu yaraan toban askari ku dhinteen.
Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay xerada Laanta Buuro ee duleedka Magaalada Muqdisho, wuxuuna wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab u sheegay in ciidankoodu ay qabsadeen 7 gaadhi halka ay dileen 30 Askari, balse Ciidamada AMISOM iyo Xukuumadda Somalia, ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka iyo sheegashada guusha Al-shabaab.
Alshabaab ayaa sidan oo kale saldhigaa u weerartay bishii March ee lasoo dhaafay sanadkan 2016, iyagoo ka qaadatay hub iyo rasaas. isla markaana khasaare blaadhan gaadhsiiyay ciidankii ku sugnaa halkaa ee AMISOM.
Sidoo kale Wararka ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen galankii danbe ee maanta badhtamaha magaalada kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadka ku sugan magaalada Marka.

Dad ku sugan magalada Marka ayaa sheegay in ay arkeen kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo jooga saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada dawladda.