qaraxvella somalia
Somalia: Mogadishu(ANN)Villa Somalia, warar hordhac ayaa sheegaya in qarax weyn oo caawa caweyskii gil-gilay xarunta Madaxtooyadda Somalia uu sababay Khasaara xooggan. Kadib markii gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku holcay afaafka hore ee Madaxtooyadda oo ay ku sugnaayeen xiligaa Madaxda Somalia iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka.

Sida ay sheegaayaan wararka hordhaca ah, waxa dirqi Qaraxaa kaga badbaaday ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay, waxaana dadka ku nafwaayay wararka qaar sheegayaan inay gaadhayaan 36 ilaa 40 qof, kuwaas oo ay ku jiraan aqoonyahano Soomaali ah, Askar isugu jira AMISOM iyo ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda Vella Somalia iyo saraakiil u dhashay dalka Turkiga iyo wefdi ka socotay dalka Poland.
Wefdiga ka socday dalka Poland, ayaa Qaraxu ku qabsaday Afaafka hore ee Madaxtooyadda sida ay sheegayaan wararka, waxaana la arkayay qiiq weyn iyo Olol cirka isku shareeray.
Dadka u dhashay Dalka Poland ee ku dhintay Qaraxa, ayaa wararka hordhaca ah ee laga helayo saraakiisha amaanka iyo kuwa Caafimaadka sheegayaan inay ugu yaraan sedax qof oo Polandian ah. Sidoo kale waxa weerarkaa khasaare dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhay saraakiil dawlada Turiga ah, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxyeelada soo gaadhay iyo tiradooda, isla markaana dawlada Turkiga ayaan wax war ah weli kasoo saarin dhacdada weerarkaa, balse Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa dhinaciisa sheegay in seddax qof oo Turkish ah ay kamid yihiin dadka ajaanibta ah ee lagu dilay weerarkii ka dhacay madaxtooyadda magaalada Muqdisho 21 Sep 2015.

Xukuumadda Somalia, ayaan weli dhinaceeda ka hadlin weerarkaa oo sida ay warar kala duwan oo laga helay saraakiisha caafimaadka sheegayaan in aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha weerarka, balse ugu yaraan 18, ka mid ah saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka iyo askar ilaala ka ahayd dhismaha ay ku nafwaayeen.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Jimcaale, isla markaana lagu naanaysi jiray Prof.Jeeri, ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ku nafwaayay Qaraxa Vella Somalia, iyadoo Aqoonyahanka lagu tirinayay ragga doonaya inay ka qayb qagaal tartanka doorashada Somalia ee marka la gaadho sannadka 2016.

Waxa kale oo wararka qaar sheegayaan Col.Cabdi Cali Koofi oo ahaa madaxa ilaalada Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay, la xaqiijiyay in dhaawac culus kasoo gaadhay weerarka, iyadoo Guddoomiyihii Degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise lagu daray dadka ku dhaawacmay Qaraxaa, balse wararka ayaa intaa ku daraya in tirada dadka dhawrka dersin ee ku dhintay ay ku jiraan ugu yaraan 8 qof oo Ajaanib ah, iyadoo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen tobaneeyo kale oo Ajaanib ah.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-shabaab ee arrimaha Milateriga Sheekh CabdiCaziiz Abuu Muscab, ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al- Shabaab weerarka fuliyeen, wuxuuna ku sifeeyay inuu ahaa mid qorsheysan oo lala beegsanayey Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan, wuxuu ugu yeedhay Murtadiinta iyo kufaarta Caalamka.

“Allaah Fadligii Mujaahidiintu waxay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen xarunta Madaxtooyada ee murtadiinta, halkaas oo maanta makri horleh loogu maleegayey Muslimiinta” ayuu yidhi Afayeenka Ciidanka Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab.

Qaraxa ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay shir lagaga hadlayo wixii laga yeeli lahaa marka uu dhammaado mudada xilka Xukuumadda Somalia uga socday Madaxda maamul goboleedyada Somalia xarunta Vella Somalia, shirkaa oo khilaaf ka dhashay, waxa la filayay inay kasoo qayb galaan madaxda Beesha Caalamka ee arrimaha Somalia Wakiilo ka socda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews