waxboGal-guduud(ANN)Wararka ka imanaya deegaanka Waxbo oo ka tirsan gobolka Gal-guduud, ayaa sheegaya inay Ciidamada Ethiopia iskaga baxeen halkaa. kadib markii dagaalo qadhaadh ay jilbaha is dhigeen ciidamada Al-shabaab ee dagaalka kula jiray deegaankaa.

Deegaanka Gal-guduud waxa muddooyinkii u danbeeyay ka socday dagaalo teel-teel ah oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo ku sugan meelo ka mid ah deegaankaa oo ay saldhigyo ku leeyihiin, balse dagaal qadhaadh oo maanta ka dhacay duleedka waxbo. kadib markii Ciidamada ethiopia oo doonayay inay uga baxaan halkaa deegaanka Maxaas, balse malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa u galay jidgooyo, taas oo sababtay dagaal saacado baddan socday oo aan khasaarihiisa la ogayn.

Hase yeeshee Sheekh Xasan yacquub oo ah Wakiilka al-shabaab ee walaayadda Gal-guduud ayaa u sheegay Idaacadda Al-shabaab ee Andalus inay guul ka gaadheen dagaalka, isla markaana ay Ciidamada Ethiopia isaga baxeen deegaanka Waxbo. kadib markii sida uu sheegay lagu jebiyay dagaalkaa, isla markaana go’doomin dheer oo ay ku hayeen deegaankaa ay sii xamili kari waayeen ciidamada ethiopia.
Ciidamada Ethiopia, ayaan wax war ah kasoo saarin dhinacooda dagaalka iyo sida ay wax uga jiraan inay ka baxeen deegaankaa sida ay sheegatay Al-shabaab.waxbo