alshabaab1Wajeer(ANN)Xarakadda Al-shabaab, ayaa sheegatay inay weerar ay ka fulisay Deegaanka dhinaca Soomaalida ee guddaha Dalka Kanya ku dileen Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska Kanya, isla markaana weerarkaa Laba kale dhaawacyo kasoo gaadheen.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka dhinaca Milateriga ee Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab, wuxuuna sheegay inay saraakiisha ay la beegsadeen weerarkaa ee Gobolka Wajeer ka mid ahaayeen kuwo sida uu sheegay dadka dhibaateeya, isagoo ku hanjabay inay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah xukuumadda Madaxweynaha Kanya Uhuru Kanyata.
Weerarkan ayaa noqonaya mid kusoo beegmay maalmo ka dib markii dhawr todobaad kasoo wareegtay wax ka bedel lagu sameeyay saraakiisha amaanka Kanya, sidoo kale wuxuu kusoo beegmay, iyadoo ay taagantahay xiisad ka dhalatay xeer dhinaca amaanka ah oo Baarlamaanka Kanya ansixyeen, balse mucaaradku ka gudbiiyeen dacwad, iyadoo xeerkaa oo Madaxweyne Uhuru saxeexay markii Baaralamaanku ansixiyay ay digniino kasoo saareen in ka baddan 13 dawladoo oo ay hormod u yihiin Maraykanka iyo Britian, waxaana sidoo kale Xeerkaa canbaareeyay Hay’addaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha oo sheegay inuu khatar ku yahay xoriyadaha iyo xuquuqda muwaadiniinta Kanya, isla markaana meesha ka saarayo xoriyatuqawlka iyo dumuqraadiyadda, balse Madaxweynaha Kanya, ayaa gaashaanka ku dhuftay baaqyadaa, wuxuuna ku tilmaamay xeerkaa mid ujeedada laga leeyahay tahay oo keliya in Amaanka dalka wax lagaga qabto.
Araweelo News Network

Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com