abumuscab1Mandheera(ANN)Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sh. Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay in ay fuliyeen weerar saaka ka dhacay Magaalada Mandheera ee Gobolka Saamiladu degto ee gudaha Dalka Kenya, kaas oo lagu khaarajiyay dad u dhashay Kenya oo gaadhaya ugu yaraan 28 qof.

Dadka la khaarajiyay oo u badnaa Macalimiin wax ka dhigta Dugsiyada Dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, ayaa u badnaa Macalimiin, kuwaas oo lagala degay gaadhi Bas ah oo ay saarnaayeen.

Al-shabaab waxay weerarkaa ku tilmaantay mid ay ugu aargudayaan dhibaatada lagu hayo Muslimiinta gobolka Xeebta ee Mambasa oo mudooyinkii u danbeeyay dhibaato iyo rabshado u dhexeeyay Muslimiinta degan halkaa iyo Booliska Dalka Kenya u dhexeeyeen.

Rabshadaha ka dhacay Deegaanka Xeebta ee Mambasa, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadha dad shacab ah iyo in xabsiga loo taxaabo qaar baddan oo ka mid ah Muslimiinta u dhashay deegaankaa, waxaana sidoo kale Boolisku xidheen Masjidada lagu cibaadaysto qaarkood.

Weerarka Al-shabaab ku laysay dadka u dhashay Kenya ee ay sheegeen inuu jawaab u yahay waxyaabaha ka dhacaya Xeebta Mambasa, waxay dadkii gaadhiga saarnaa u kala saareen Muslim iyo Kiristan, iyagoo qoorta u dheereeyay dadkii Kiristanka ahaa, isla markaana sii daayay kuwii Muslinka ahaa.

Maaha markii u horaysay ee ay Al-shabaab weeraro khasaare dhaliyay ka fuliso gudaha dalka kenya, balse waxay hore weeraro iyo qaraxyo khasaare dhaliyay uga fulisay gudaha dalka Kenya, waxaana weeraradaa ugu weynaa kii ay ka fuliyeen xaruntii ganacsiga Westgate oo Sep 2013 ay ka fuliyeen Caasimadda Dalka Kenya, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof oo qaarkood ahaayeen Dublamaasiyiin u dhashay dalalka reer galbeedka iyo muwaadiniin u dhashay Kenya, wuxuuna weerarkaasi si weyn usoo jiitay indhaha mujtamaca aduunka. Kadib markii kooxdii fulisay si nabad ah uga baxsadeen ciidamada amaanka Kenya, taas oo wejigabax siyaasadeed iyo saamayn dhaqaale ku yeelatay dalka kenya.

Weeraradaa iyo kuwa kale ee Al-shabaab ka fulisay dalka Kenya, waxay ku tilmaameen kuwo ay sababeen Ciidamada Kenya ee guddaha dalka Somalia dagaalka kula jira Al-shabaab. kadib marii ay Oct 2011 gudaha  u galeen Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com