Gaalkacayo(ANN)-Ciidamadda Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku khaarajiyay Cabdi Wali Cali Cilmi Yare oo ahaa Nin Aflagaadeeyay Nebi Maxamed SCW, weerarka oo saaka ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkaco, waxaa sidoo kale ku dhintay tiro dad ah oo gaadhaya dhawr iyo toban qof.

 

 

Sida ay faafisay xarakada Al-shabaab, waxay hawlgalkaa ku tilmaameen mid la doonayay in lagu khaarajiyo Ninkaa iyo oo ay sheegeen in uu gaaloobay iyo 11 askari oo ilaala u ahaa, waxayna muslimiinta caalamka gaar ahaan  Soomaalida  ugu bushaareeyeen in laga qabtay Ninkii gaaloobay ee Nabiga Af-lagaadeeyay.

Dhinaca kale wararka qaar, ayaa sheegaya in ilaa labaatan qof ku dhinteen weerarkaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Gaalkacyo, ayaa warbaahinta u sheegay in markii weerarku ka dhacay gudaha Xarunta Cabdi Wali Cali ay ka maqleen jugta qaraxyo is xigxigay iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, balse faah faahin intaa ka badan kama ay bixin.

Ninka lagu eedeeyay in uu ku gefay Nebi Maxamed SCW, ayaa hore mar uu Idaacada BBC Waraysi siiyay ku beeniyay in uu ku kacay waxyaabaha lagu eedaynayo ee Af-lagaadada Nebi Maxamed SCW.