alshabaab1Mogadishu(ANN)Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Xukuumadda Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia, ayaa sheegatay weerar saaka lagu khaarajiyay Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre, iyadoo toogasho lagu dilay xili uu doonayay inuu ka qaybgalo fadhiga Baarlamaanka ee lagu ansixinayay Xukuumadda cusub.
Marxuumka, ayaa la sheegay in rag hubaysani tacshiirad ku fureen. Kadib markii qof ay balansanaayeen uu uga degay gaadhigiisa badhtamaha Magaalada Muqdisho, balse wadahadal dhexmaray qofkaa kadib tacshiirad rasaas ah lagaga soo furay gaadhi sidaana uu ku geeriyooday.
Dablayda aan la aqoonsan ee fuliyay dilka Xildhibaanka, ayaa goobta ka carayay, waxayna Ciidamada Boolisku sheegeen inay baadhayaan dilkaa oo loo qabtay dad la tuhmay oo aanay tiradooda dhabta ah sheegin.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilka Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare, wuxuuna ku tilmaamay mid naxariis-daro ahaa oo dadkii fuliyay caddaalada la hor gayn doono.

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo. Xildhibaanku wuxuu ahaa mid u taagan ka shaqaynta danta qaranka, waxaana dilkaan lala beegsaday isagoo ku guda jira waajibaadkiisa shaqo”ayuu yidhi Raysal Wasaare Cabdiweli oo qoraal kasoo saaray dilkaa.
Sidoo kale wuxuu Raysal Wasaaruhu sheegay in arxan darayaasha gaystay dilka Xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, loomana ogolaan karo kuwo ku sifoobay falalka argagaxiso iney hor istaagaan howlaha ay qaranka u hayaan xildhibaandu” ayuu yidhi, wuxuuna

Sheegay inuu Xildhibaanada ku boorinayo inay u muujiyaan naxariis iyo geesinimo maanta oo kale oo baroor diiq ah. Waxaan ku boogaadinayaa Xildhibaanda Baarlamaanka sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka madaniga ah” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.
Xildhibaanka, ayaa noqonaya kii 6aad ee sidan oo kale toogasho lagu dilo badhatmaha Magaalada Muqdisho tan iyo xildhibaanada cusub lasoo doortay, waxaana dilalkaa sheegata Xarakada Al-shabaab, iyadoo kooxaha dilalka sidan oo kale sameeyaa ka baxsadaan sharciga, kuwaas oo Hay’addaha amaanku ku guuldaraystaan inay gacanta ku dhigaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com