Araweelo News Network

weerarmandheeraMandheera(ANN) Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerrar ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ka dhacay magaalada Mandera ee Woqooyi Bari Dalka Kenya.

Dablay hubaysan oo geysatay weerrarkaa, ayaa goobta ka baxsaday markii ay fuiyeen oo xalay xili danbe ay ku qaadeen guri ay deggan yihiin dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya, kuwaas oo aan ahayn Soomaali.

Barasaabka magaalada Mandheera Cali Roba ayaa warbaahinta u sheegay in ay hubaan in Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarkaasi khasaaraha gaystay.

Waxa uu intaasi ku daray in dad kale oo gurigaasi degnaa la soo badbaadiyay kaddib markii laamaha ammaanka ay u soo gurmadeen, balse ma sheegin inuu jiro khasaare soo gaadhay kuwii weerrarka fuliyay.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerrar noocan oo kale ah ku qaaday deegaanka Mandheera, tan iyo markii ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab sanadkii 2011.

Bishii Disembar ee saanadkii 2014, ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandheera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhammaantood ahaa dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay meel dhagax laga qodo oo ku taala duleedka magaaladaasi Mandheera.

Sidoo kale bishii Nofember ee isla sanadkaasi, Al-shabaab waxa ay 28 qof oo u badnaa macalimiin ka soo jeeda gobolada kale ee Kenya ay ku dishay weerar ay ku qaaday bas u socday magaalada Nairobi, iyadoo April 2015, weerrar Al-shabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarissa ku dileen ugu yraan 147 qof oo ka mid ahaa Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadda.
Kenya waxa ka jooga waddanka Soomaaliya kumannaan askari oo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, inkastoo Al-shabaab hore u sheegtay inay dalkaas ka geysan doonto weerarro khasaare badan dhaliya.
Al-shabaab ayaa weerarro kala duwan hore uga fuliyey gudaha Kenya, kuwaasoo intooda badan ka dhacay degaannadaG obolka Woqooyi-bari oo Soomaalidu ka dagto dalkaas iyo gobolka xeebta, marka laga reebo weerrarkii ugu weynaa ee ay ka fuliyeen xaruntii ganacsiga Westgate oo Sep 2013, kaas oo ay ka fuliyeen Caasimadda Dalka Kenya, isla markaana ay ku dhinteen 67 qof oo qaarkood ahaayeen Dublamaasiyiin u dhashay dalalka reer galbeedka iyo muwaadiniin u dhashay Kenya.