Araweelo News Network
qaraxaliidoMuqdisho(ANN)A lshabaab ayaa sheegatay weerrar qaraxyo iyo rasaasayn wada socda oo xalay caweyskii lala beegsaday Huteel kuwa lagu caweeyo ah oo ku yaal Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkaa oo ahaa mid xooggan.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah kadibna ciidamo hubeysan ay gudaha u galeen goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Dhinaca kale Dalka Maraykanka ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Huteelka ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ay 9 qof ku dhinteen.

9ka qof ayaa la sheegay in ay isugu jireen shacab, askarta dawladda iyo dableydii weerarka qaadday.

Warsaxaafadeed uu Maraykanku soo saaray ayuu weerarkaasi ku tilmaamay mid aan macno lahayn oo muujinaya arxan darada ururka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo Maraykanku sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqeynta shacabka iyo ciidammada qaranka Soomaaliya si dalka oo dhan ammaan looga dhigo.

Sida ay ciidamada booliska sheegayaan, waxay qabteen qof ka mid ah kooxdii weerarka qaadday oo dhaawacmay, kaas oo hadda su’aalo la weydiinayo.

Xalay markuu weerarka bilaabanayay goobta dad badan ayaa fadhiyay. Qaar ka mid ah dadkaas daaqadaha ayey iska tuureen, halka qaarka kalena ay darbiyada ka boodeen. Sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka goobta ku sugnaa.