alshabaab1Baraawe(ANN)Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Xukuumadda Somalia iyo Ciidamada Midawga Afrika ee ku sugan Somalia, ayaa sheegtay inay weerar ku khaarajisay saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa dawlada. Sidaana waxa sheegtay Warbaahinta taageera Al-shabaab.
Sida lagu faafiyay shebekaddaha taageera Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaal habeennimadii Isniinta ka dhacay degaanka Ambareso oo ku yaal duleedka degmada Baraawe oo dhowaan laga saaray ku dileen illaa toddoba askari oo saddex ka mid ah yihiin ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar xooggan oo isugu jiray dagaal toos ah iyo madaafiic ay ku qaadeen Baraawe iyo degaanka Ambareso, isla markaana ku dileen ciidamo isugu jira Afrikaan iyo Soomaali.
Waxa kaloo dagaalyahannada Al-shabaab ku doodeen inay dagaalkaas ku gubeen gaadiid tikniko ah oo ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM leeyihiin.
Dhinaca kale, sarkaal u hadlay ciidammada dawladda Soomaaliya ee Baraawe, ayaa isaguna dhankiisa guulo ka sheegtay dagaal qadhaadh oo saqdii dhexe ee habeennimadii Isniinta ay la galeen xoogagga Al-shabaab oo weerar culus ku soo qaaday fadhiisimadooda magaaladaas.
Hase ahaatee, ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka guulaha labada dhinac ee dagaalku dhexmaray iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay toona.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com