Araweelo News Network

usdaroneKismaayo (ANN)Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan DRONE-ka oo ay ku rakiban yihiin kamaradaha wax lagu basaaso oo Maraykanku leeyahay, taasoo ku dhacday degaan 45km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose gelinkii dambe ee maalintii Sabtida.

Dawladda Mareykanka ayaan illaa hadda ka hadal diyaaraddooda nooca basaasidda ee Al-shabaab sheegteen inay gacantooda ku jiro, iyagoo inta badan ciidammada Ameerikaanku duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyaan degaannada dagaalyahannada kooxdaasi maamulaan ee ku yaal badhtamaha iyo koonfurta waddanka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
War xoogagga Al-shabaab ku baahiyeen barahooda internet-ka shalay ayey ku sheegeen in diyaaradda DARONE-ku soo dhacday xilli ay hawlagallo basaasid ah ka wadday degaannada Gobolka Jubbada Hoose ee ay ka taliyaan.
Waxa kaloo Al-shabaab xuseen inay diyaaradda kamaraduhu ku rakiban yihiin u qaadeen goob ammaan ah.
Dhanka kale, shacabka ku dhaqan degaanka diyaaraddani ku dhacday oo lagu magacaabo Qudus ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in aan burbur culus gaadhin Drone-ka Maraykanka ee u gacan-gashay Al-shabaab.

Ciidammada dalka Mreykanka ayaa saldhigyo qarsoodiya ku leh qaar ka mid ah degaannada waddanka Soomaaliya, kuwaasoo fuliya duqaymo inta badan lala beegsado fadhiisimada dagaalyahannada Al-shabaab ku leeyihiin gudaha dalkaas, mana aha markii u horaysay ee diyaaradaha wax basaasa ee Drone kusoo dhacdo deegaamo ka mid ah Koonfurta Somalia, gaar ahaan meelaha Al-shabaab maamusho, waxayna marar baddan hore u qabteen Al-shabaab Diyaarado Drone ah oo sida gantaalihii ay ridi lahaayeen iyo kuwo ay Kamarado ku rakiban yihiin.