Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Kooxda Al-shabaab, ayaa soo bandhigay muuqaalka laga duubay askari ka tirsanaa ciidammada dalka Kenya oo gacantooda ku jira muddo sannad ku dhow.
Muuqaal soconaya 7 daqiiqo oo lagu baahiyey shabakadaha internetka ee taageera Al-shabaab, ayaa muujinaya codsi askarigaas maxbuuska ah u diray dawladda dalkiisa Kenya oo uu ka dalbay inay ka caawiso sidii looga sii dayn lahaa gacanta kooxdaas.
Askarigan oo la yidhaa David Ngugi Wataari waxa isagoo dhaawac ah Al-shabaab ku qabsadeen weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay ku qaadeen saldhig millatariga Kenya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM ku lahaayeen degaanka Ceel-cadde, Gobolka Gedo ee koonfurta waddanka Soomaaliya horraantii sannadkii 2016.
“Waxaan codsanayaa in dawladda Kenya, siyaasiyiinta iyo shacabka reer Kenya ay iga caawiyaan sii-deyntayda, waxaanan gacanta ugu jiraa Al-shabaab,” ayuu yidhi askarigaas oo wejigiisa murugo badan ka muuqatay.
Waa markii labaad ee Al-shabaab soo bandhigto muuqaallada askar ka tirsanaa millatariga dalka Kenya oo gacantooda ku jira, waxaanay sidan oo kale dhowr bilood ka hor u baahiyeen muuqaalka askari kale oo ay ku qabsadeen weerarkii Ceel-cadde.