Alshabaab1Mogadishu(ANN)Al-shabaab, ayaa fariin hanjabaad ah u dirtay Kenya oo weli la murugaysan weerarkii Jimcihii ee Gaarissa, waxayna sharaxaad ka bixiyeen sababta weerarkii u danbeeyay ee Gaarissa, weeraradii ka horeeyay iyo kuwo kale oo ay sheegeen inay fulinayaan, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay yihiin fariin ku socota dawlada Kenya oo lagu qorayo dhiiga dadkooda.
“Magaalooyinka Kenya waxa qulquli doona dhiig baddan oo casaan u beddelaya dhulka. Dagaalkayagu wuxuu noqon doonaa mid waqti dheer qaata oo aad xannuun badan kala kulmi doontaan, dadweynaha reer Kenya ayaana noqon doona cidda khasaaraha ugu horreeyaa ku dhici doono,” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Al-shabaab.

“Digniin kasta oo la idin siiyo, tallaabo kastoo aad dhanka ammaanka u qaadaan ma noqon doonaan mid celiya weerarkayaga amma sidoo kale fashiliya weerarrada kale ee aannu qorshaynay, mar kalena si degdeg ah waad u arki doontaan dhiig badan oo idinka qubta.” Ayaa lagu tidhi fariinta qoraalka, iyagoo sheegay in aanay jirin wax ka hakinaya weerarada u qorshaysan ee ku waajahan Kenya.
Al-shabaab waxay ka hadleen ujeedooyinka weerarada ay ku hayaan Kenya, waxayna yidhaahdeen sidan:- “Waa xaqiiq laga wada dharagsan yahay in dowladda Kenya ay ku kacday gaboodfalo ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta bariga Africa. Laga soo bilaabo xasuuq wadareedyadii taariikhda galay ee Wagalla iyo Garissa oo ku dhawaad toban kun (10,000) oo Muslimiin ah lagu gumaaday iyo sidoo kale dilalka aan loo meeldayin ee lagu hayo Muslimiinta, waxay Ihaanada ka dhan ah dadka Muslimiinta u soo jiitameysay sidan oo kale, waxayna dhaawacyo qoto-dheer oo nafsaani ah ku abuurtay quluubta dad badan oo Muslimiin ah”ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay boggaga dhinaca Internetka ee warbaahinta taageerta.
Al Shabaab waxay sheegtay in dowladda Kenya ay gacmaheeda ku kasbaday in muwaadiniinta Kenyaanka ah bartilmaameed u noqdaan mujaahidiinta kadib markii ciidankeeda ay udirtay soomaaliya, islamarkaana shacabka soomaaliyeed ku xasuuqeen gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, wixii Gaarisa ka dhacayna ay jawaab celin uyihiin filicillada dowladda Kenya.

“Guddaha Soomaaliya, ciidammada Kenya waxay ka geysteen xasuuq aan tirakoob lahayn oo ka dhan ah bulshoweynta Muslimiinta. Iyagoo ka duulaya awaamiirta ay ka heystaan dowladooda, Ciidammada Kenya waxay gudaha Soomaaliya ka geysteen dilal wadareedyo, jirdil iyo Kufsi aan loo meeldayin oo ka dhan ah dumarka Muslimaatka ah. Tobaneeyo kun oo Muslimiin ah ayaa guryahooda laga barakiciyey, boqolaal kale waa la dilay, halka kumanaan kalena la dhaawacay, arrintaas oo ah Natiijada ka dhalatay duulaankooda gaalada. Diyaaradaha Kenya waxay duqeymo ka geysteen xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalada. Waxay hawada sare ka soo weerartay dhamaan deegaanada Muslimiinta, Iyadoo dishay xitaa xoolihii, Isla markaana duqeysay goobihii waxbarashadda, taas oo keentay in ay burburto riyadii iyo rajadii ay qabeen jiilka soo koraya” ayaa lagu yidhi bayaanka Al-shabaab kasoo baxay.

qoraalka kasoo baxay Al-Shabaabul Mujaahidiin oo ku qornaa luqada Ingiriisida, waxa kale oo lagu xaqiijiyay ee dadka muslimiinta ee bariga Afrika u dhaqan ay gabood fallo dhan walba ah kala kulmayaan dowladaha soomaaliya kusoo duulay ee Kenya kamid tahay Kenya, isla markaana weeraradii Kenya ka dhacay iyo kii ugu dambeeyay ee Gaarissa ay yihiin kuwa dib loogusoo celinayo karaamada dadka muslimiinta oo aanay marnaba dulmi ku seexan doonin.

“Marka laga hadlayo Bariga Africa oo idil, Muslimiintu waxaa laga xayuubiyey waxwaliba oo sharaf ah oo ay lahayeen, Waxaana lagula kacay falal wuxuushnimo kuwii ugu darnaa ka dib markii ay ka dhiidhiyeen in ay u hoggaansamaan dulmiga iyo ihaanada Kufaarta, Iyadoo dabasocota handadaaddan iyo caga-jugleyntan baahday ee lagu hayo Islaamka iyo Muslimiinta, Waxaa Xarakat Al-Shabaabul Mujaahideen dusha saaratay masuuliyada inay u hiilinta walaalahooda Muslimiinta ah, ayna qaado silsilado weeraro ah oo loogu aargudayo kumanaanka Muslimiinta ah ee ku baxay gacanta Ciidamada Kenya” bayaanka Al Shabaab.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews