Araweelo News Network

Beledweyne(ANN)- Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidammada waddanka Djibouti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee dalka Soomaaliya saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacada.
Saraakiisha sare ee taliska AMISOM ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab weerar ku qaadeen fadhiisin ciidanka Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi oo 140km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Beledweyne.
Taliska AMISOM ayaa boggooda Twitter-ka ku sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab isku dayeen inay la wareegaan saldhigga ciidammada Jabuuti ee degmadaas.
“Al-shabaab waxa ay isku dayeen inay la wareegaan xarun ciidammada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, balse waxa ka hortagay ciidanka halkaas ku sugan,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay taliska ciidammada AMISOM.
Degmada Jalalaqsi waxa ay ka mid ah degaannada ay ka hawlgalaan ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo saldhiggooda ugu weyn ku yaal magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.