Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)-Kooxda Al-Shabab ayaa saaka waaberigii weerrar ku qaaday saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Warrarka, ayaa sheegaya in weerrarka oo loo adeegsaday laba Gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa uu ka dhacay magaalada Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo markaa kadib dablay hubaysan gudaha u galeen.

Al-Shabaab oo sheegatay weerrarkaa, ayaa sheegay in ay dileen 27 Askari oo ka mid ahaa ciidamadda dawladda, balse Saraakiisha dawladda ayaa  sheegay inay dileen ugu yaraan 8 maleehsiyaada Al-shabaab ee  soo weerraray xeradaasi saacadihii hore ee saaka.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab, ayaa sheegay inay saldhigaasi qabsadeen, islamarkaana ay ciidamada ka dileen 27 askari, iyadoo saraakiisha ciidamadda Soomaaliya sheegeen in ay dileen Malayshiyada soo qaaday weerrrarka.

Al-shabaab ayaa weerraro sidan oo kale uga fulisay deegaankaa, iyagoo ku dilay Askar Maraykan ah.