weerarka qaraxa huteelkaMogadishu(ANN)Xarakada Al-shabaab, ayaa weerar iyo qarax ay ka fuliyeen Huteel ku yaal magaalada Muqdisho ku khaarajiyay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan Dublamaasiyiin, sidoo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaa ugu yaraan 10 qof. Sida sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, koox hubaysan oo ka tirsan xarakada Al-shabaab, ayaa qarax ka fuliyay galabta 27 March 2015, Huteelka Makka Al-mukarama oo ka mid ah kuwa ugu caansan muqdisho.

 

weerarka iyo qaraxa2

 

Qaraxa oo ka dhacay afaafka Huteelka oo ay inta baddan degan yihiin Dublamaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawlada, waxa markaa ka dib gudaha u galay koox hubaysan, kuwaas oo toogasho ku bilaabay dadkii ku jiray gudaha Huteelka. Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Switzerland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil Badhibadhi oo hore xilal uga soo qabtay dawladii Cabdullaahi Yuusuf, ayaa ka mid ah dadka geeriyooday.

Ambassador Yousuf Ismail Badhibadhi

photo File: Ambassador Yousuf Ismail Badhibadhi By. Araweelonews.com

 

Dublamaasiyiin kale ayaa ka badbaaday weerar waxaana ka mid ah safiirkii dawlada Germany u fadhiyay Soomaaliya oo la sheegay in uu daaqadda ka booday markii weerarku bilaabmay. Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka argagixisada Alpha Group ayaa jabiyay gudaha u galay Huteelka oo ka mid ah goobaha amaankooda aad loo ilaaliyo, kuwaas oo jebiyay gidaarka huteelka, waxayna ugu yaraan sadex saacadood ku dagaalamayeen gudaha kooxda Al-shabaab oo sheegatay weerarka.

weerarka iyo qaraxa4

Weerarka, ayaan weli si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay, mana aha weerarkii ugu horeeyay ee sidan oo kale Al-shabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho, balse weeraro iyo qaraxyo wada socda ayaa inta baddan ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia oo aanay ka jirin xaalad nabadgelyo oo laysku halayn karo. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonewsweerarka iyo qaraxa3