Araweelo News Network

Xilli maanta la xusayo sannadguuradii 19-aad ee kasoo wareegtay weerarkii 9/11 ee 2001-dii ka dhacay Maraykanka, haddaba ururkii ka dambeeyay oo ahaa Al- Qaacida oo xilligaasi fadhigoodu ahaa dalka Afqaanistaan wuxuu noqday mid kala daatay.

Laanta ururka ee Suuriya waxaa bishii June aamusiiyay oo cagta mariyay kooxo kasoo horjeeday sida ururka la baxay dowladda Islaamka.

Dalka Yemen, Al-Qaacidda waxay guuldaro kala kulmeen kooxo mucaaradka ah, ka dib markii hoggaamiyahoodii lagu dilay duqayn ay Mareykanka fuliyeen.

Hogaamiyihii ururka ee Waqooyi Afrika isna waxaa bishii June duqeyn dalka Maali ka dhacday ku dilay Faransiiska, illaa iyo imikana ma aysan magacaabin ciddii badali lahayd.

Dhanka kale hoggaamiyaha, Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa si aan looga baran muddo bilo ah la maqal lamana arak, taasi oo sababtay in la isla dhexmaro in uu dhintay amaba ay waxyeelo soo gaartay.

Balse laamaha Al-Qaacida ee somaaliya iyo Maali ayaa weli ah kuwa xooggan oo awood leh.

Marka laga soo tago Al-Shabab – oo xiriir la leh Al-Qaacida islamarkana ka howlgala soomaaliya waxaa kaalinta labaad ku jira dhanka awoodda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin oo ka howlgala Mali.

Dhanka fikirka, waxay ururka Al-Qaacida wajahayaan dhibaato ay kala kulmayaan dhaqdhaqaaqyada kale ee jihaad doonka.

Waxaa ururka u furan labo waddo oo kala ah in la casriyeeyo oo ay muujiyaan dabacsanaan si ay u hantaan muslimiinta kale ama ay ugu yaraan u badbaadaan iyo in ay ku taagnaadaan mabaadi’dooda jihaadka ee ururka uu aamisan yahay ayna ka duwanaadaan Muslimiinta kale.

Labada dariiqba waa kuwa halistooda wata.

Khiyaarka hore waxaa uu halis galinayaa astaantooda jihaadiga wuxuuna horseedayaa in ay kala jabaan.

Halka waddada labaad haddii ay qaadaan ay xaddidayso awoodda howlahooda iyo xitaa in ay gaari karaan heer ay baaba’aan.

Dib u dhacyadii ugu dambeyay ee Al-Qaacida

Dalka Suuriya, laanta Ururka Al-Qaacida ee loo bixiyay magaca Xurras al-Din -ayaa guuldareystay.

Waxaa arrintan loo aaneynayaa kooxaha Jahaadiyiinta ah oo uu dhexdooda khilaaf ka oloolsan yahay iyo isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo oo isha ku haya saraakiisha ururka Al-Qaacida.

Kooxda ayaa sidoo kale aan shacbiyad ku lahayn gudaha Suuriya maadaamashacabka Suuriya ay u arkaan in Al-Qaacida ay bartilmaameed u tahay dowladda iyo isbeheysiyada kale ee caalamiga ah.

 

Kooxda Xurras al-Diin ayaan wax dhaqdhaqaaq ah samayn labadii bilood ee ugu dambeysay, ka dib markii ay duulaan ku qaadeen koox kale oo Jihaadi ah oo ka awood badan, sidoo kalena saraakiishooda sarsare ay Maraykanka duqeymo la bartilmaameedsadeen.

Laanta ururka ee dalka Yemen ee lagu magacaabi jiray Al-Qaacidada gacanka Carabta ayaa mar ahayd koox si wayn looga baqo, balse waxay la kulmeen sannadkan guuldarooyiin imikana waa garabka ugu liita xagga awoodda.

Hogaamiyaha Al-Qaacidada gacanka carbeed ayaa lagu dilay duqyn ay Maraykanka fuliyeen bishii January, waxaana Bayda oo ay ku xooganaayeen dhowaantan kala wareegay kooxda Xuutiyiinta.

Hogaamiyihii Al-qaacidada gacanka Carbeed Qasim al-Raymi

Xigashada Sawirka, AQAP propaganda Qoraalka sawirka, Hogaamiyihii Al-qaacidada gacanka Carbeed Qasim al-Raymi

 

Muddo sannado ah waxay u muuqataa in ururka ay dhexgaleen dad jawaasiis ah, ayna fududeeyeen in si sax ah loo bartilmaameedsado hoggaanka.

Waxaa sidoo kale muuqata in ururka Al-Qaacida gudahooda uu ka jiro kala qeybsanaan.

Balse mid ka mid ah dhacdooyiinka sannadkan ayaa muujinaysa in laanta Al-Qaacida ee Gacanka Carbeed ay tahay mid ciyaareysa doorkii sababay in waligood laga baqo.

Waxay weerraro ka geysteen qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Bishii February, waxay kooxda sheegtay in ay ka dambeysay toogasho ka dhacday bishii December saldhig ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ku yaalla gobolka Florida.

Waxaa weerarkaasi fuliyay nin u dhashay Sacuudiga oo lagu magacaabo Maxammed Alshamrani – oo isagu ku tabaranayay xeradaas waxaana la xaqiijiyay markii dambe in uu xiriir la leeyahay Al-Qaacida.

Laanta Al-Qaacida ee isku magacaabay Islaamka Maqrib, waa koox aan firfircoonayn waxaana horraantii bishii June hogaamiyahooda oo u dhashay Aljeeriya lagu dilay dalka Maali.

Boor ay ku qoran yihiin waxyaabo borobagaando ah

Xigashada Sawirka, AQIM propaganda Qoraalka sawirka, Boor ay ku qoran yihiin waxyaabo borobagaando ah

 

Muddo saddex bilood ah dilka hoggaamiyahooda kaddib lama magacaabin cidii badali lahayd.

Ma cadda sababta, balse in booska hoggaaminta uu bannaanaado waa mid ka turjumaysa in xaaladooda aysan wanaagsanayn.

Dalka Maali-waxaa ka jira laanta ururka ee lagu magacaabo ‘Jamacat Nusrat al-Islaam wal-Muslimin’, kuwaasi oo sidoo kale ka howlgala dalalka Burkina Faso iyo Niger, waxaana la asaasay bishii March 2017.

Jamaat Nusrat al-Islaam wal-Muslimin, waxay weeraradooda inta badan la bartilmaameedsadeen ciidamada maxaliga ah iyo ciidamada ajaaniibta gaar ahaan kuwa Faransiiska ee ku sugan gobolka Saaxil.

Bishii February, waxay Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo la galaan dowladda Maali, balse bishii August waxaa dowladdii xilka ka tuuray militariga mana cadda waxay noqon doonaan tallaabooyiinka ay qaadi doonaan.

Awoodda Al-shabab

Sawirada dagaalyahano ka tirsan al-SHABAB

Xigashada Sawirka, Al-Qaeda propaganda Qoraalka sawirka, Sawirada dagaalyahano ka tirsan al-SHABAB

 

Al-Shabab waxay muran la’aan imika yihiin halista ugu wayn ee ururada gacan saarka la leh Al-Qaacida.

Kooxda Al-Shabab waxay gacanta ku hayaan dhul badan waxayna leeyihiin maamul ka jira meelo ka mid ah Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale, Al-Shabab fuliyaan weeraro joogto ah oo ay la bartilmaameedsadaaan goobo muhiim ah ee gudaha Soomaaliya iyo xataa dalka dariska ah ee Kenya.

 

Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ee ugu waynaa ee sannadkan waxay ka fuliyeen waxaa ka mid ahaa kii ay ku qaadeen saldhig uu Maraykanka ku leeyahay deegaanka Manda Bay oo Kenya ka tirsan, halkaasi oo saddex askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen laguna gubay dhowr diyaaradood.

AKHRI: Maraykanka Oo Qiray Weerraar Al-Shabaab Ku Qaaday Saldhiga Jasiiradda Lamu Ee Duleedka Mombasa

Fariin loo diray Maraykanka

Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa sannadkan soo saaray hal cajalad oo muuqaal ah bishii May.

Hogaamiyaha Al Qaacidda Ayman al-Zawahiri

Xigashada Sawirka, Al-Qaeda propaganda Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha Al Qaacidda Ayman al-Zawahiri

 

Bil ka hor muuqaalkaas, waxay taageerayaasha kooxda IS isla dhexmarayeen warar ku saabsan in Al-Zawahiri uu dhintay ama uu hal dhinac dhiikar ku dhuftay uu na howlgab noqday.

Waxay arrintan ku saleeyeen in muddo uusan warbaahinta ka soo muuqan sidoo kale na uusan dhacdooyiinka muhiimka ah ka hadlin.

Dhowr abaanduule oo udub dhaxaad u ahaa Al-Qaacida ayaa hore ugu dhintay dalalka Afqaanistaan iyo Pakistan, halka qaarkood uu Maraykanka uu ku dilay duqeymo ka dhacay dalka Suuriya.

Heshiis dhanka nabadda ah ee Taliban lala galay ayaa la saxeexay bishii February 2020, kaas oo dhigaya in aannay hoy siin karin kooxaha jihaad doonka ah, taas oo adkaynaysa in Al-Qaacida aannay gabaad ka helin Afqanistaan.

Xigasho: BBC