Araweelo News Network

Mr. Nicolas Maduro

Mr. Nicolas Maduro


Maaxweynaha dalka Feensuweela (Venezuela) ee ku yaal qaaradda koonfurta Ameerika Mr. Nicolas Maduro, ayaa wasiirrada dawladdiisa ku amray in ay 48 saac gudahood ku eryaan shaqaalaha dawladda ka tirsan ee saxeexa baaq (Petition) lagu dalbanayey in xilka lagaga qaado Madaxweynaha.
Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Xisbiga Shuuciga (Socialist Party) ee talada dalka haya, shan wasaaradood ayaa markiiba ka jawaabay go’aanka Madaxweynaha, isla markaana keenay liiska shaqaalaha oo ay ku jiraan agaasimayaal, kuwaasoo saxeexay baaqaas lagu dalbanayey in xilka lagaga tuuro Madaxweyne Maduro.
“Waxa ay haystaan 48 saacadood in ay keenaan dadka xilalka kala duwan ka haya ee waajibaadka kala duwan haya si ay u helaan waajibaadkooda.” Sidaa waxa yidhi Mr. Jorge Rodrigueq oo ah nin Madaxweynuhu u magacaabay inuu la socdo aftida mucaaridku bilaabeen oo Maduro xilka lagaga qaadayo.
Dadka saxeexay aftidaas waxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in la qariyo xogta iyo aqoonsigooda, sida ay dhigayaan amma ku cad xeerarka dalka Venezuella.
“Dadka ka soo horjeeda Madaxweyne Nicolar Maduro ma sii haynayaan xilalka sarsare, meelna kuma laha xukuumadda dalka ka talisa,” ayuu yidhi Mr. Rodriguez.
Wasaaradaha Cuntada, Maaliyadda, Shaqaalaha, Warshadaha iyo Madaxtooyada, ayaa gudbiyey liiska shaqaalahooda sare ee aftidaas saxeexay.
Madaxweyne Maduro oo xilka ka dhaxlay Madaxweyne Hugo Chavez sannadkii 2013, ayaa la tacaalaya qulqulatooyin siyaasadeed oo ku kacsan oo ka bilaabmay dhaqaalaha dalkaas oo hoos u dhacay, taasoo sababay cunto yaraan soo asiibtay waddanka Venezuela.