Shan Sannadood Waxaan Ahay Wakiil Qarankiisa U Addeegayay” Ambassador Baashe.

Nairobi(ANN)-Ambassador Baashe Cawil oo ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya, ayaa soo saaray qoraal uu ku beegay markii xilka loo magcaabay shan sannadood ka hor,  kaas oo dhaliyay doodo , isla markaana xanbaarsan dardaaran iyo waxyaabihii uu qabtay mudadii uu qarankiisa u shaqaynayay.

Qoraal saxaafadeedka oo Ambassador Baashe Cawil soo dhigay bartiisa Facebook, isla markaana ku taariikhaysan 30.Juun.2015 illaa 30.Juun.2020, waxaanu isku daynay in aannu la xidhiidhno si aannu u hubino inuu saxyahay qoraal saxaafadeedku, wuxuuna xaqiijiyay inuu qoraalka isagu qoray, isla markaana  ugu talagalay sannad guuradii shannaad ee kasoo wareegtay markii xilka loo magcabaay, wuxuuna  u dhignaa qoraalku sidan:-

Shan Sano ka hor Magacaabistaydii Wakiilnimo 30kii juun, 2015kii waxay ii ahayd fursad aan u arkayay in aan dadkayga ugu shaqeeyo aniga oo ka duulaya yoolka ama himilada Qarankani lahaa ee ahayd inuu helo Saaxiibo dhaw kuwaas oo hiil iyo taageero buuxda u noqda sidii loogu guuleysan lahaa qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ah helidda aqoonsi caalami ah.
Shaqada Wakiilnimo ee aan bilaabay iyo waayaha adag ee ku xeeran waxay ahayd imtixaan iyo tijaabo siyaasadeed oo shacabka iyo xukuumaddu ka gar-niqideeda lahaayeen wakhtiga muddo xileedkaygu halkaa ka soo dhammaado.

Alle Mahadi ha ka gaadhee waxaan u arkaa doorkaygii iyo kaalintii igaga beegnayd gudashada waajibaadka shaqo ee la ii xil saaray in aan u qabtay si hakrasho iyo habsan aan lahayn intii Alle ka qadaray.

CAQABADIHII ISOO WAAJAHAY IYO XAL U HELIDOODII

Ma sahlana in aad wakiil u tahay dal aan ictiraaf ka haysan adduun waynaha addoo ka hawlgalaya waddano Aqoonsi haysta oo dabaqaya siyaasadaha iyo shuruucda Caalamiga ah, sida mararka ay sammeynayaan xidhiidho siyaasadeed iyo kuwo gacansi, iyada oo taasi jirto waxaan dedaal badan ka galay sidii aan ugu qancin lahaa dawladdii hore ee aan ka shaqaynayay ee Imaaraadka Carabta in Somaliland tahay Dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn Somalia, xaq na u leh aayo-ka tashiga masiirkooda iyaga oo aan u dabo fadhin dawladda Somalia, taasina waxay sababtay markii dambe in xidhiidhkii labada Dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu uu ka soo dhawaaday mawqifkii ay hore u aamisanaayeen, kuwaas oo u beddelay inay Somaliland ka hirgeliyaan mashaariic dhaxal gal ah sida Maalgashiga iyo Arrimaha Bila-aadimada ah(Samo-falka), welina dalka Imaaraadka Carabtu uu yahay saaxiib dhaw oo Somaliland kala shaqeeya siday u horumari lahayd una heli lahayd aqoonsi.

Anoo ka faa’iideysanaya waayo-aragnimadaydii hore, shaqada hadda aan hayo ee ah WAKIILKA JSL u jooga waddanka Kenya, iyana ma ahayn mid fudud in xidhiidh bilaw ahaa oo ka dhaxeeyay labadda dal ee Kenya iyo Somaliland loo beddelo xidhiidh buuxa oo wada shaqayn iyo iskaashi ah.

DAD SHALAY DHALIILAYAY GUULIHII HORUMARINEED EE QARANKU GAADHAY AMA SHAKHSI AHAANTAYDA , MAANTA NA SOO DHAWAYNAYA OO I BOGAADINAYA WIXII AY SHALAY DIIDANAAYEEN WAXAAN LEEYAHAY:

Markasta oo hawl la qabanayo dadku isku fikir maaha, ma na aha wax la qariibsado oo Somaliland u gaar ah, waa aragti jirta oo ummadaha kale ee adduunka ku nool reer Somaliland kala mid yihiin, balse haddii ay jireen dad durayay ama ka faafinayay dacaayado aan jirin markii dalka laga fulinayay mashaariicdii maalgelinta, maanta na u arkay inay ahaayeen mashaariic qaranku u baahnaa oo bogaadinaya natiijada wanaagsan ee bilawga ah, waxay taasi caddaynaysaa in aragtidii aan ku shaqaynayay ee aanu qaranka wixii u dan ah ugu baadi goobaynay ahayd aragti sax ah, waanan hambalyeynayaa in kuwii shalay dhaliilayay horumarka maanta na bogaadinaya ay yihiin kuwa ugu horreeya ee difaacaya qaranka horumarkiisa, waxaan u rajaynayaa in sidaa ay u difaacayaan aanay berri ula noqon wax xun, dhab ahaantii anigu waxaan awoodeeda leeyahay waa waxa aan qabtay ama qaban doono ee maaha bedbedelka waxa dadku iga aaminsan yahay, sidaas darteed way ku mahadsan yihiin wixii garashoodu ku hagto.
Markii shalay aan joogay Imaaraadka iyo maanta oo aan joogo Kenya ba waxaan ka shaqeeyaa danta dadkayga iyo dalkayga ee u baahan in wax laga qabto oo la horumariyo, taas ayaana ii ah joogto aanay jiheyn dhaliisha iyo bogaadintu.

MUSTAQBALKAYGA SIYAASADEED

Shaqada qaranku waa qori isku dhiib, aan cabasho iyo calool xumo lagu gunnaanadin haddii Alle kugu simo, maalmo tegay iyo maanta ba waxaan ahay Wakiil Matala dalkiisa JSL, Mustaqbalkayga siyaasadeed na maaha mid uu hagayo darreen xamaasadaysan ee waxaan si degenaan iyo dadaal aan daal lahayn leh uga sii shaqayn doonaa danaha Qaranka ee uu ii xil saaray Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi.

DARDAARAN GUUD

Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan halkan uga diro farriin shacbi-weynaha Somaliland:-

Dedaal iyo isku duubni ayaad halkaa kusoo gaadheen 30kaa sanno, waxa innoo dan ah in wixii tartan ah ee ka dhaxeeya xisbiyadda Mucaaradka ah iyo xukuumaddu inuu noqdo mid gudaheena ah, arrimaha dalka dibeddiisana aynu u waajahno si mideysan oo hal cod iyo cal calan ah, Cadaw iyo ciil qabayaasha ka soo horjeeda horumarkeena na aynu u dhugyeelano oo aynaan u tafaraaruqin, caalamka na la garnaqsano oo naf iyo maal ba u hurno sidaynu aqoonsi uga heli lahayn.

Ugu Dambayntii waxaan si gaar ah ula hadlayaa Qurbo joogta Reer Somaliland oo kaalin muuqata kaga jira xilli adag iyo mid fudud ba horumarka waddanka, in xilligan xasaasiga ah qarankoodu u baahan yahay inay si isku duubni iyo iyaga oo mid ah ula shaqeeyaan dawladda JSL.

ALLAA MAHAD LEH.