Helsinki (ANN)- Ambassador Saamiya Xaaji Muuse oo ahayd Haweenay Safiir uga ahayd Somaliland Dalka Finland ayaa shaacisay inay iska casishay xilkii iyo shaqadii ay haysay ka dib, markii Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Faratoon uu ku war-geliyey inay xidho Xafiiska Somaliland ku lahayd dalka Finland, isla markaana la shaqayso Wakiilka Norway u jooga Somaliland, maaddaama buu yidhi dhaqaale xumo ka jirto Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Sidaana waxay ku shaacisay shalay Qoraal ay ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook, kaas oo ay ku sheegtay inay xilkaa iska casishay, iyadoo tidhi, “Anigoo ah Saamiya Muuse, Wakiilkii Somaliland ee Finland, laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/12/2019, waxaan si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wakiilnimada dalka Finland iyo Guddoomiye-nimadii Ictiraaf-raadinta ee dalka Finland..”
Saacdo kadib markii ay shaacisay inay xilkaa iska casishay, iyadoo aan wax sabab ah iyo faah-faahn raacin, waxa soo baxay qoraal xanbaarsan sumadda wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, kaas oo lagu arkayay boggaga Facekoob iyo Twitter, isla markaana xanbaarsanaa inu Ambbasador Saamiya xilka laga qaaday 25 November 2019, taas oo lagu sheegayo in sababo dhaqaale awgood dib u habayn lagu sameeyay xafiisyadii, sidaa awgeed iyadoo looga mahadcelinayo mudadii ay soo shaqaysay la xidho xafiiska Filand ee Somaliland, wixii hadda ka danbeeyana ay la shaqayso Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan.


Marwo Saamiya oo markaa kadib la xidhiidhay shebekadda Arawweelo News Network, waxay sheegtay in Warqada lagu shaaciyay Facebook iyo meelo kale ee ku taariikhaysan 25 November 2019, isla markaana ka hadlaysa shaqada ay haysay iyo xafiskeeda aanay ahayn mid xilliga lsoo baxday maalinta ay ku taariikhaysantahay, isla markaana ay u aragto mid lagag jawaabayo is casilaadeeda shalay, waxayna ku dooday in aanay warqad noocaas ah soo gaadhin, maadaama ay ahayd qofka ugu horreya ee xaqa u laaha inuu helo.


Siodoo kale, waxay sheegtay in ay cabado baddan kala kulantay masuuliyiinta xukuumadda qaarkood oo ay sheegtay in mar ay dhowaan booqasho ku timi dalka Somaliland loo diiday barnaamijyadii ay wadatay, kuwaas oo ay sheegtay in ay u arkaysay inay wax nka tarayan qadiyada Somaliland ee la doonayo in dunnida laga iibiyo, waxay sheegtay in arrimahaa iyo kuwo kale oo aannay doonayn in ay warbaahinta mariso ku sameeyeen niyad-jab, balse aanay ka leexinayn inay qarankeeda iyo dadkeeda iyo Jaaliyada Spmaliland ee dalkaa deganba u shaqayso si mutadacnimo ah.
“Marka horreba inigu waxan ku shaqaynayay ma ahayn lacag oo wakiiladda Somaliland waa la ogyahay inay mutadawacnimo ku shaqeeyaan, mar aan wasiirka kala hadlay kharash, wuxuu noo sheegay in siddeed boqol oo EUR, la siinayo lacag shaaha iyo shirarka yar yar iyo transportation, lacagtaasna mar keliya ayaan arkay mudadii aan xafiiska joogay, markaa awalba lacag kumaan shaqaynayn markaa wasiirku igala hadlay arrintaa waxaan u arkay arrin aan sax ahayn oo Jaaliyadda Somaliland ee dalkan Filand iyo xukuumaddooda aan xidhiidh fiican lahayn aan ku ahayn munaasib, waana sababta aan u qaatay inaan is casilo/”ayay tidhi, Marwo Saamiya oo faahfaahin ka siisay Araweelo News arrimahaa.


Marwo Saamiya waxay ku dooday in xattaa warqada shalay lagu shaaciyay Facebook, ay ahayd mid la khalday Wakiilnimadeeda xilka ay haysay, isla markaana lagu sheegay inay ahayd Xubin sharafeed, taas oo ku dooday inay ahayd mid been ah, balse la doonayay in derejadeeda hoos loogu dhigo oo shalay lasoo saaray, kadibna taariikheeda laga dhigay xilligaa, iyadoo ku macbaysay mid lagaga jawaabay is casilaadeeda, waxayna soo bandhigtay qoraalo cadaynaya markii la magcaabay, 2017, xilligaa oo markii horre muddo ay ahayd xubnin sharafeed, balse August 2018, sida ku cad qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Marwi Saamiya laga dhigay Wakiilka Somaliland ee Filand iyo sidoo kale qoraalo muujinaya inay xoojisay xidhiidhka Somaliland iyo Filand oo mudadii ay xafiiska joogtay lagu hanbalyaynayo dawladda Filand.