Amiir SalmanRiyadh(ANN)Amiirka cusb ee dalka Sucuudiga Boqor Salman Bin Abdulaziiz Al-Sucuud oo 79 jir ah, ayaa la wareegay xukunka dalka, kadib markii uu geeriyooday xalay walaalkii Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al- Sucuud.

 

Amiirka cusub Salmaan oo hore u hayay xilka Wasiirka Difaaca, ayaa noqonaya Aamiirkii lixaad ee xukunka dhaxla, wuxuuna ka hadlay siyaasada uu ku hoggaaminayo dalka, wuxuuna si cad u sheegay in aanu waxba ka bedelayn wadadii hore loogu jeexay siyaasada dalka Sucuudiga, wuxuu xusay in aanu waxba ka bedelayn Saliida uu dalkaasi debeda u dhoofiyo.
Boqor Salman oo caawa loo dhaariyay xukunka, wuxuu sheegay in aanu sidoo kale waxba ka bedelayn siyaasadii dagaalka lagula jiro Muslimiinta mayalka adag iyo kooxaha ka dagaalamaya Ciraaq iyo Suuriya oo ay Maraynka iyo wadamada reer galbeedka kula jiraan isbahaysi la doonayo in meesha lagaga saaro.
Mar uu si gaar ah uga hadlayay xaalada dalka Suuriya, wuxuu sheegay inuu ka shaqaynayo sidii taliska uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya meesha looga saari lahaa, isagoo dhinaca kalena sheegay inay diyaar u yihiin in aanay kooxaha uu sheegay inay isku deyayaan sidii ay qas uga abuuri lahaayeen mandaqada diyaar u yihiin oo ay iska difaacayaan, isla markaana aanu marnaba ogolaanayn inay qas iyo rabshado ka sameeyaan dalkooda iyo mandaqadaba.
Dalka Sucuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al- Sucuud, ayaa xijaabtay, isagoo dadiisu ahayd waqtigan 91 jir, wuxuuna muddooyinkan dawooyin ku qaadanayay Cusbitaal ku yaal dalka. Kadib markii uu haleelay xanuunka Soomaalidu u taqaan Oofwareenka, kaas oo ugu danbayntii uu u geeriyooday Jimacihii 23 Janury 2015.
Madaxweynaha Maraykanka Obama, hoggaamiyayaasha dunida reer galbeedka iyo dalalka Islaamka ayaa dhanbaalo tacsi ah ku boobay qoyska reer Boqor.
Marxuum Abdallah oo xilka ka dhaxlay walaalkii Boqor Fahad, wuxuu mudadii uu xilka hayay sameeyay siyaasad fur-furan, isagoo dalka Sucuudiga wax baddan kusoo kordhiyay, isla markaana hoos u dhigay xaalado laga cabsi qabay oo mandaqada ku xeeran iyo dunida kaleba saamayn ku yeeshay, kuwaas oo ay ugu waaweynaayeen kacdoonadii galaaftay hoggaamiyayaal baddan oo Carbeed, wuxuuna ka badbaadiyay Dalka Sucuudiga iyo xukunkiisa inay saamayn ku yeeshaan.
Hase yeeshee geerida waqtigan ee Marxuum Abdallah iyo is bedelka cusub eek a dhacay dalkaa, ayaa kusoo beegmay xili ay qalalaasaha ku xeeran ee Ciraaq iyo Suuriya kusoo biirtay xaalada dalka Yemen oo kacsan. Kadib markii xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraboo Mansoor Al-Haddi is casishay wax yar ka hor geerida Boqor Abdallah, taas oo is casilaadeeda ku sababaysay malayshiyada Shiicadda ee Xuutiyiinta oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Sancaa ee caasimada Yemen, waxayna arrintaasi sababtay in dhinaca Koonfurta ee dalka Yemen ee Cadan lagaga dhawaaqo go’aan ah inay mar kale ka noqotay midawgii ay kula jirtay Yementa Woqooyi ee sagaashanaadkii, isla markaana aanay marnaba aqbalayn awaamiirta xuutiyiinta la wareegay xukunka ee daaqada ka saaray nidmaadkii dawlada la afgenbiyay ee Cabdiraboo Mansoor.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com