Muqdisho(ANN)-Guddoomiyayaasha Aqalka sare ee Soomaaliya oo isku khilaafay natiijada kasoo baxday kulan uu guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulan uu la qaatay guddida joogtada ee golaha.

 

Kulankaa oo laga soo saaray qoraal uu sheegay in loo baahan yahay in la qabto shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,  kaas oo looga gol-leeyahay in looga arinsado hannaanka lagu gali doono Doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan lagu wad qanacsanyahay.

 

 

Hase yeeshee Sanatar Mowliid Xuseen Guhaad oo ah Guddoomiye kuxigeenka 2-aad golaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ka soo horjeestay kulankii guddiga joogtada ah ee laga soo saaray baaqa ah in dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadda ay isugu yimaadaan kulan degdeg ah kahor 25 ka bishan Juun.

 

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa sheegay in shirkaasi guddidu yeesheen aannu waafaqsanayn xeer hoosaadka  Aqalka, ”Waxaan ku diidanahay iyadoo ay Xamar ku sugan yihiin 12 xildhibaan oo buuxin kara booskaasi in xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee aqalka oo dalka ka maqan khadka maqalka iyo muuqaalka  lagu raadiyo, iyadoo aanay jirin baahi keeni karta, waxayna arrintaasi baal marsantahay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare”, ayuu yidhi, Gudomiye kuxigeenku.

 

”Xeer hoosaadkayagu, waxa uu dhigaya in guddomiyaha Golaha Aqalka Sare uu go’aamada muhiimka ah kala tashado ku xigeennadiisa, sidoo kale ku xigeenada la tashadaan guddoomiyaha,  laakin hadda taasi ma muuqato” ayuu yidhi.

Samatar, wuxuu sheegay in guddoomiyaha ilaa afar jeer ay arrrintan ka wada hadaleen,  balse aannay isla  fahmin, taasi oo sida uu sheegay  sababtay in ay dalbadaan guddida joogtada ah.

 

”Xalka haatan waxa uu ku jiraa in shacabka Soomaaliyeed si cadaalad ah loogu adeego, iyadoo la ilaaninayo dastuurka iyo xeer hoosaadyada, gaar ahaan Aqalka Sare.”

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddida joogtada ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka, waxaana sidoo kale go’aanka guddida joogtada ah hore usoo dhoweeyay maamullada Puntland iyo Jubaland iyo ururrada mucaaradka dawladda Federaalka ee Soomaaliya.