madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somalia

photo file PM Adbdiweli left and Hasan sheekh right

Mogadishu(ANN)Aqlabiyada Baarlamaanka Somalia oo shirar iyo kulamo goo-goos ah ku lahaa labadii maalmood ee u danbeeyay magaalada Muqdisho, isla markaana kulan khaas ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo laabtay shirkii uu kaga qaybgalay dalka Dermark, ayaa u balamay in maalinta Beri ee 24 Nov 2014 daaqada laga saaro Raysal Wasare Cabdiweli. Kadib markii ay guuldaraysteen dedaaladii beesha Caalamku ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan oo Madaxweyne Xasan Sheekh dhegaha ka furaystay.

Kulamadii u danbeeyay ee ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka ee wata mooshinka la doonayo in daaqada lagaga saaro raysal wasaaraha, wax aka warbixiyay Xildhibaan Maareeye oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in 168 Xildhibaan oo diyaar u ah in lasoo afjaro khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ku yeesheen shir doceed maanta Magaalada Muqdisho, kaas oo sida uu sheegay Xildhibaan Maareeye loogu balamay in maalinta Beri Isniinta xilka lagaga qaado Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh.

Maareeye, wuxuu sheegay in tirada Xildhibaanadu intaa ka baddan karto, isagoo xusay in mudanayaal markii hore diidanaa Mooshinka Raysal wasaaraha ay hadda aqbaleen oo ay kusoo biireen sida uu ku dooday xildhibaanada wada mooshinka.

Dhinaca kulamo kuwaa kasoo horjeeda oo ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada diidan in mooshinkaa la geeyo golaha, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu mooshinku ahayn mid sharci ah, isla markaana yahay mid baalmarsan Dastuurka Federaalka. Sidaa awgeed waxay ka digayeen in la keeno Baarlamaanka, ama laysku dayo in la meel mariyo.

Xidhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka, waxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Jawaari ku eedeeyeen inuu yahay dhinac oo uu ka baxay balantii ay hore u galeen 19 Nov 2014, taas oo sida ay ku doodeen ahayd in aan la hor keenin fadhiga Baarlamaanka mooshinkaa, waxayna si adag uga digeen khatarta ka iman karta iyo natiijada kasoo baxda haddii fadhiga la keeno mooshinkaa in ay Masuuliyadeeda leeyihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo xildhibaanada mooshinka wata, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay lacago laaluush ah jeebabka ku gurteen si ay u meel mariyaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa jira warar la xidhidha xiisada kulanka Baarlamaanka ee maalinta beri oo sheegaya in laga welwelsanyahay in xaalada amaanku faraha ka baxdo, iyadoo laga cabsi qabo ciidamo loo diyaariyayay fadhiga maalinta beri oo rabshado ka dhacaan, isla markaana Ciidamada loo diyaariyay awood u adeegsadaan xildhibaanaha kasoo horjeeda mooshinka, kuwaas oo lala xidhiidhinayo in ay qaadaan talaabooyin carqaladayn ah oo ay ku diidan yihiin mooshinka sida ay horeba laba fadhi oo ka hore u arbisheen, isla markaana ku guulaysteen in fadhiyada la xidho, iyadoo aan mooshinka la hor keenin golaha Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa magaaladaa Muqdisho hadheeyay xiisada ka aloosan muranka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Somalia, kaas oo ay wadamada daneeya arrimaha Somalia u waayeen xal, iyagoo ka waalacsan xaalada mustaqbalka Somalia iyo in khilaafku meesha ka saarayo rajadii iyo higsigii loo qorsheeyay in 2016 marka la gaadho doorashooyin ka dhacaan Somalia, isla markaana xukuuadda waqtigeedu ku egyahay mudadaa ka hor.

Dhawaaqyada dhinaca Dublamaasiyada ee la doonayay in xal loogu helo khilaafka, ayaa rajabeelay. Kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkaystay in sharciga lagu kala baxo oo ay Baarlamaanka ku kala calaf qaadaan isaga iyo raysal wasaare Cabdiweli Sheekh oo muranka iyo khilaafkoodu soo jiitamay.

Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh, haddii sidaa lagaga saaro saaxada, wuxuu noqonayaa Raysal wasaarihii labaad ee mudadii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay khilaaf siyaasadeed debeda loogu saaro, iyadoo sidan oo kale xukuumaddihii ka horeeyay ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif isku dhac Madaxweynaha iyo raysal wasaare ay galaafteen, balse waxa la dhawrayaa waxa uu ku dhamaado kulanka loo balamay iyo sida ay wax noqdaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com