Muuqaalka Munaasibadii Amoud University

Boorama (ANN)Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay Ardaydii u horaysay ee Shahaadada Master Degree ka qaadatay Jaamacadda Amoud University ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Muuqaalka Xaflada loo qabtay Ardaydii qaadatay Shahaadada Master Degree ee Amoud University Borama

Munaasibad si weyn loo agaasimay oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta Jaamacadda oo lagu qabtay halkaa, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo guddoonsiiyay shahaadooyinka derejada Master Degree 863 Arday, kuwaas oo dhamaystay waxbarashadda, isla markaana noqday Ardaydii u horaysay ee shahaadada Master ka qaata Amoud University oo noqotay Jaamacad kasoo mudh-baxday Mandaqada geeska Afrika, gaar ahaan geyiga Soomaalida.
Ardayda la guddoonsiiyay shahaadada Master, ayaa noqday Dufcadii 14aad ee ka baxda Jaamacada Amoud University, iyagoo dhinaca kale noqonaya dufcadii 5aad ee ka baxda Jaamacadaa ee Madaxweyne kala qaybgalo xaflad loo qabto, isla markaana guddoonsiiyo shahaadooyin mudadii uu xilka hayay.

?

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku tilmaamay Jaamacadda Amoud university mid taariikh weyn ku leh qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, wuxuuna ku amaanay Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Saleebaan Axmed Guudleed hawsha culus ee ay hayaan maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda iyo dedaalkiisa midha dhalka noqda, isagoo balan qaaday inay ka xukuumad ahaan ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda tayeynta Waxbarashadda Jaamacadda iyo guud ahaanba dalka.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadal uu ka jeediyay munaasibadaa dardaaran iyo dhiirigelin iyo waano u jeediyay Ardayda dhamaystay waxbarashadda oo uu ku booriyay inay dalkooda uga faa’ideeyaan aqoonta iyo tacabka waxbarasho ee la geliyay.

Gudoomiyaha Jaamacadda Amoud University Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo warbixin guud ka siiyey Madaxweynaha sharaxaad kooban ka biyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadu iyo natiijada ka dhalatay dedaalkii ay sameeyeen oo ay maanta qalinjebinayaan ardaydii ugu horaysay ee Master Degree qaadatay, sanadkana ay ku talo jiraan inay bilaabaan PHD.
Guddoomiye Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu ku dheeraaday tayeynta iyo kaabbida waxbarashadda jaamacada Amoud, taas oo uu sheegay inay ka dhigtay jaamacadda qiimayn lagu sameeyey jaamcaddaha guud ahaan meelaha Af-soomaaliga lagaga hadlo, inay Amoud University noqotay mid kaalinta koowaad ka gashay guud ahaan jaamacaddaha sida qiimayntaa lagu cadeeyey.

Prof. Saleebaan wuxuu kula dardaarmay Ardaydii ka qalinjebisay maanta jaamacada Amoud oo gaadhayay 863 Arday, inay dhawraan magaca jaamacadda, isla markaana muujiyaana aqoonta ay soo barteen qaranka iyo bulshadana ay ugu adeegaan.

Geba gebadii munaasibadaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Laba Arday oo ku hadlayey codka Ardayda qalinjebisay, waxaana markaa kadib Madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay dufcadaha kala duwan ee jaamacada Amoud iyo xubno kala duwan oo lagu sharfay kaalinta ay ku leeyihiin taakulada iyo dhiirigelinta jaamacadda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.