Hargeysa(ANN)-Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE iyo Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland UCID, iyo WADDANI, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay muddo kordhinta saaka golaha guurtidu ugu duugay golaha wakiiladda, taas oo muddo xileedkoda loogu kordhiyay inay laba sannadood oo danbe sii fadhiyaan, iyadoo golaha gurtidana muddo hal sanno ah ay ka danbaynayaan.


Hogaamiyaha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan iyo Prof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo ahaa murrashaxii horre ee Xisbiga UCID, ayaa warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen in kulan deg-deg ah oo ay arrintaa ka yeesheen kasoo saareen qodobo la xidhiidha mawqifkooda.


Prof. Axmed Cabdi Muuse, (Abyan) oo warbaahinta u akhriyay, ayaa sheegay in aannay sinaba u aqbali karin muddo kordhinta loo sameeyay labada gole oo ay sheegeen in aannay waxba kala socon, isla markaana waxay ku tilmaameen tallaabadaa iyo tallaabooyinkii siyaasadedd ee dalka ka taagnaa muujinayaankii labadii sannadood ee u danbeeyay muujinayaan in geedi socodkii dumuqraadiyada iyo doorashooyinka god dheer lagu riday. sidaa awgeed aanay aqbalayn.
Sidoo kale, waxay sheegeen inay si wadajir ah u canbaaraynayaan xadhiga lagula kacay masuuliyiinta xisbiga WADDANI, isla markaana lagu qabsaday xarunta Xisbigaa, waxayna sheegeen in arrimahaasi dalka meel xun u horseedi karaan oo aannu kasoo kaban karin.


Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay halkan kusoo gaadhay isu tanaasul, taas oo uu sheegay in dastuurku tilmaamayo, wuxuuna xusay in saddex kooxood oo erga ahaan ugu yimi ay awooddi waayeen inay Madaxweynaha la kulmaan, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid nasiibdaro ah.
Xirsi, wuxuu sheegay in sharciga Somaliland haddii la ixtiraami waayo nin walba sharcigiisa tuurta ha ku qaadan doono, wuxuuna ku cel celiyay in aannay aqbalayn muddo kordhintaa oo sida ay labada xisbi wada jirka uga dhawaajiyeen aan lagala tashan.


Dhinaca Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, ayaa soo dhoweeyay muddo kordhinta loo sameeyay wakiiladda iyo guurtidu, wuxuuna tilmaamay in dib u dhaca doorashada ay masuul ka yihiin xisbiga Mucaardka ee WADDANI, wuxuu sheegay in aannay maanta ool in guurtidu maxay u kordhisay, balse loo baahnaa in laga waantoobo muranka.


Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, wuxuu sheegay in aannay u baahnayn sideed u aragtaa iyo siday noqonay muddo kordhintu, maadaama ay tahay Hay’ad sharci oo gudanay waajibkeeda dastuuriga ah, isla markaana ay soo dhowaynayaan Xisbi ahaan, wuxuuna ku eedeeyay in doorashooyinku ka qabsoomi waayeen xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

sidaa awgeed Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay inay ku khasban yihiin xisbiyadu inay u hoggaansamaan muddo kordhintaa.