warancadeHargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa soo saaray amaro cusub oo la hirgelin doono dalka sannadka cusub, kuwaas oo ay ka mid yihiin fulinta xukunadda Dilka ah ee ku jira xabsiyad iyo arrimo kale oo la xidhiidha qorshe wax ka beddelaya qaabkii Wadooyinka Halbawlaha ee Caasimadda Hargeysa loo mari jiray.
Qorshaha cusub ee dhunaca Wadooyinka waxa ka mid ah in waddada Madaxtooyada hor marta noqoto hal haad oo kaliya oo Baabuurta dhinaca Galbeed ee qorrax ka dhaca oo keliya u marto, halka waddada dhinaca dambe ka marta Cusbitaalka guud ee Hargeysa noqonayso hal haad oo Baabuurta jihadda Bari ee qorrax ka soo baxa u socota oo keliya ay mari doonaan.
Wasiir Warran-cadde oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa , waxa uu sheegay in sannadkan cusub ee 2015 laga bilaabi doono caasimadda Somaliland hawlgal nadiifin ah, isagoo dawladaha hoose iyo shacabkana ku amray in ay magaalada bilicdeeda ilaaliyaan.
“Waxaan jecelahay in aan dadka ogaysiiyo magaaladeena waxa ku soo batay gaadiid, waxyaabo badan baa noqotay in aan dadku isu socon karin in aan jidad dhaadheer qofkii shaqo ku ordayey amma carruurtii dugsiyada la gaynayey ay dhibaato badan kala kulmeen, marka waxaannu amar ku bixinaynaa in labada waddo ee midi hormarto Madaxtooyada ee iminka laba dhinac loo socdo in dhinac kaliya loo socon doono oo dhinaca qorrax (galbeedka) u dhaca ay u socon doonaan baabuurtu wixii toddobaadkan ka dambeeya, dawladda hoose iyo ciidammada waddooyinkuna ay ka gudan doonan wajibaadkooda. Baabuurta u socota dhinac magaalada ama qorrax ka soo baxa (dhinaca bari) waxay mari doonan oo ay isticmaali doonan waddada xagga dambe ka marta cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Labadaas waddo waxa ay ku kulmi doonaan laba meelood oo ah Hudheelka Guuleed oo dhinaca galbeed ah iyo Kaalinta Ina Galan oo dhinca bari ah, markaas labadaasi waddo waxay noqon doonaan in wado waliba ay midna qorrax u dhaca u socota, midna qorrax ka soo baxa u socota. Sidaas darteed, aniga oo tix-raacaya xeerka waddooyinka xeer lambar 56/2013, qodabkiisa 1aad, waxaan leeyahay sidaas ayuu u fuli doonaa, waxaanna fulin doona hay’adaha ku shaqo leh, waxaanan halkan mar labaad baaq ugu dirayaa in maayirrada magaalooyinka dalku ay si degdeg ah u fuliyaan,” ayuu yidhi Md. Warran-cadde.
Waxa kaloo Wasiirka Daakhiligu sheegay in hawsha ugu weyn ee golayaasha degaanka sugaysa sannadkan cusub ay tahay bilicda caasimadda, isagoo caddeeyey in shirkadaha laydhka isla qateen in xadhkaha korontada ee magaalada ku filiqsan ay dhulka hoostiisa mariyaan, waxaannu yidhi; “Bilicda iyo qurxinta magaalooyinka in ay noqoto hawsha u taal Wasaaradda Daakhiliga iyo dawladaha hoose ee dalka. Runtiina nadaafadda amma bilicdu waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu qiimeeyo bulshooyinka caalamka ku nool, waxaanay ka turjuntaa, marka uu dadku meesha uu ku nool yahay amma magaalooyinka ay ku nool yihiin noqdaan meelo nadiif ah oo qashinku ku yar yahay amma aanu ku jirin, waxay ka turjuntaa waddaniyada iyo waxqabadka dadkaas.
Waxaan sidoo kale aan ku amrayaa dhammaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo mar-markii, isla markaana ay nadiifiyaan oo nin waliba xaadho gurigiisa hortiisa, dawladda hoosena ay dhinaceeda ka xaadho si magaaladeennu u noqoto mid nadaafadeedu aad u sarrayso.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa sidoo kale ballanqaaday in sannadkan cusub ee 2015 si dhakhso ah loo fulin doono xukunnada fulinta ah ee ka soo baxa maxkamadaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Dagaalkaasi waa dagaal ballaadhan, Ilaahay ha inaga hayee, wax walba way keeni kartaa, dadkasina waxaa ay u baahan yahiin farsamo kasta oo ay la yimaadaan in aynu ka hor tagano, sannadka cusub ayaannu bilaabaynaa, waayo waxaa weeye waa in xaqii iyo xukunkii dadka lagu riday waa in aannu fulino.”
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com