Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahi Abokor Oo Dhawaaqyada Boorama Ee Saamiqaybsiga Ku Tilmaamamay Kuwo Aan Gar Ahayn

 

Burco (ANN) Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdullaahi Abokor Cismaan, ayaa ka jawaabay cabashooyinka Boorama kasoo yeedhaya ee ka hadlaya saami qaybsiga baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay dadka Boorama in aannay baalmarin nidaamka aynu qaadanay ee dastuuriga ah.

Wasiir Cabdilaahi Abokor, waxa uu tilmaamay in laga soo gudbay marxaladii ay reeruhu ku gorgortamayeen saamiga Kuraasida Wakiillada, kuna salaysan yihiin Doorashooyinku Qof iyo cod, habka ay goboladu u kala helayaan xildhibaanaduna ay ku xidhan tahay tirada gobol walba isu diwaan-gelisa codbixiye.

Hadalkaa ayuu ka jeediyay Wasiir Cabdullaahi Abokor munaasibad lagu qabtay magaalada Burco, isagoo soo qaaday cabashada ku saabsan saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee ka soo yeedhay Madaxdhaqameedka iyo aqoonyahanka Gobolka Awdal, taasoo uu ku tilmaamay Wasiirku tabasho aan waafaqsanayn hanaanka Doorashooyinka iyo shuruucda dalka.

 

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in haddii cidi saami ka maqantahay oo gobol ka cabanayo in gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ka maqan yihiin kuraas badan oo u soo bixi lahayd, balse Awdal aan looga fadhiyin buuqa iyo cabashada ka soo yeedhaysa.

“Dastuurbaynu leenahay aynu ku dhaqmaynay 1991-kii ilaa 2002-kii, waxaynu u gudubnay nidaamka Asxaabta badan oo ah nidaam Dimuquraadi ah. waxa la yidhaahdo Awood qaybsigu wuxuu ku salaysnaa nidaamkii Axdi-qarameedka”ayuu yidhi.

Balse waxa uu sheegay laga bilaabo 2002-kii in loo gudubnay nidaamka asxaabta badan ee dimuquraadiga ah, nidaamkaasi malaha wax la yidhaahdo Saami-qaybsi, laakiin wuxuu leeyahay wax la yidhaahdo metelaad oo ku xidhan dadka wax dooranaya”. Ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in gobolka Awdal oo iminka cabatinka ugu badani ka jiro uu hormood u ahaa nidaamka aynu qaadanay, iyadoo madaxweynihii kasoo jeeday gobolka Awdal oo ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hormood u ahaa.

“Waxaad ogtihiin sannadkii 2005-kii markii Doorashada golaha Wakiillada la doonayay in la galo, golihii Wakiillada ee wakhtigaas jiray waxay ansixiyeen xeer, kumana qornayn xeerkaasi wax la yidhaahdo saami-qaybsi, dooddu waxa ay ahayd si loo jaan-gooyo metelaada gobolada in la sameeyo tiro-koob, tiro koobkii suurtogal muu noqon wakhtiga oo yaraa awgeed, kaddib waxay ku codeeyeen saddex meelood laba meelood (Absuletly Majority Vote), madaxweynuhu markaa awood umuu lahayn uu ku soo celiyo Baarlamanka, laakiin xaq wuxuu u lahaa in uu u gudbiyo Maxkamadda Distooriga ah si ay uga garnaqdo doodda sharci.

Maxkamadda Dastuuriga ahayd waxa ay go’aamisay in Doorashada lagu galo sidii aynu ahayn 1960-kii, isla markaana Dawladda waxa ay ku amartay in la sameeyo Tiro-koob, runtii nasiib-darro saddexdii dawladdood ee isaga dambeeyey ilaa iyo wakhtigaasi kumay guulaysan wax la yidhaahdo tiro-koob”ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu sheegay in Diwaan-gelinihii la sameeyey ee Doorashada lagu galay ay noqon karto wax lagu salayn karo Doorashada Wakiillada.

“waxaynu haysanaa Diwaan-gelinno aynu maanta ku dhaqmi karno, annigu waxaan aaminsanahay labada gobol ee ku dulman nidaamkan iminka jira waxa weeye Maroodi-jeex iyo Togdheer. gobolka Maroodi-jeex 42% kamida dadka reer Somaliland ayaa ka codeeya, waxaanay noqonaysaa in ay 34 xildhibaan uu helo, gobolka Togdheer oo iminka 15 xildhibaan ka soo baxaana haddii loo eeggo tirada dadkii isu-diwaangeliyey codbixiyeyaasha doorashadii 2017-kii wuxuu isna helayaa 18 xildhibaan.”

Wasiir Abokor waxa uu si toosa ula hadlay Bulshada reer Awdal, ayaa yidhi, “Waxa ayaan darro ah labadii gobol ee wax u kordhi lahaayeen maanta kama hadlayaan wax la yidhaahdo metelaad, waxaase ceeb ah in nin aqoonyahan ahi uu yidhaahdo waxaan ka hadlayaa saami-qaybsi. waar saami-qaybsi maxaa keenay qof iyo cod baynu taaganahaye. gobolka Awdal waxaan aaminsanahay in uu haysto tiro saayid ah ee Doorashada yaan la carqaladayn saami-qaybsi suurtogal maaha inagoo qaadanay nidaamkan Dimuquraadiyada ah”ayuu yidhi.

Gebagebadii waxa uu Wasiirku shaaca ka qaaday in gobol kastaaba tirada xildhibaanadiisa ku heli doono xaddiga Bulshada iska-tiro koobta, hase yeeshee aanay dhici karin in gobol saami ku raadiyo hab qabiil amma qaab kale oo ka hor imanaysa nidaamka Dimuquraadiyada.

Hadalka Wasiir Cabdullaahi Abokor halkan Ka Daawo

 

Director of DMG and Media/Communications Consultant.

Ismail Ali Ahmed