wasiirka somalia iyo madaxa shirkadasamaoilandgasWarbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

London(ANN) shirkad kuwa shidaalka ah oo magceedu yahay Soma Oil and Gas, isla markaana laga leeyahay Dalka Britain oo kamid ah shiradaha heshiisyada dhinaca Shidaalka ah la galay xukuumadda Somalia, ayaa waajahday fadeexado musuq-maasuq. Kaddib markii looga shakiyay inay samaysay khiyaamooyin la xidhiidha musuq-maasuq.
Xafiiska baadhitaanada culus ee ku salaysan musuq-maasuqa iyo khiyaamooyinka lacagaha ee Britain, ayaa cadeeyay in la baadhayo eedaymo musuq-maasuq oo lala xidhiidhiyay shirkada shidaalka ee British-ka ah, taas oo ka shaqaysa Soomaaliya.
Xafiiska baadhitaanada, ayaa qoraal ay ku soo saareen arrintaa oo lagu baahiyay bartooda internetka, waxay kaga codsadeen dadka xog ogaalka u ah arrimaha shirkadaa inay la soo xidhiidhaan haddii ay hayaan xoggo la xidhiidha arrimaha baadhitaanka musuq-maasuqa ee lala xidhiidhiyay shirkadaa.
Shirkada baadhista lagu bilaabay ee Soma Oil and Gas, waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga Conservativeka ee xukunka dalka Britain haya, waxayna shirkadu dhinaceeda sheegtay inay diyaar u tahay baadhista arrimaha lagu eedeeyay ee musuq-maasuqa oo ay sharciga ilaalinayso.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay, iyadoo Sanadkii hore badhayaasha Qaramada Midoobay si weyn walaac uga muujiyeen inuu jiro mad-madaw la xidhiidha heshiiska Soma Oil la gashay hoggaamiyayaasha Soomaalida, kaas oo aan la shaacin, isla markaana abuuray shakiga iyo walaaca ugu weyn ee laga qabo arrinta keentay baadhista xilligan ee shirkadda.
Sharikadda Soma oil and Gas waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 2013-kii, waxayna markiiba ka mid noqotay shirkaddaha dhinaca shidaalka ee ku loolamaya khayraadka Somalia iyo Somaliland, iyadoo markiiba heshiis la gashay xukuumadda Somalia, isla markaana waxay iyadoo aan ka mid ahayn shirkaddihii xilligii dawladii burburtay ee Somalia shidaalka ka baadhay dhulkii laysku odhan jiray Somalia, kuwaas oo ay sannadihii u danbeeyay bedeleen shirakado yar yar oo qaarkood yihiin dilaaliin ka yimi dhinaca dalalka Carabta, Turkiga, China iyo meelo kale oo heshiisyo aan la ogayn oo mad-madaw baddani ku jiro la galay Somaliland iyo Somalia, balse Soma Oil and Gas oo ka mid ah kuwa ugu cad-cad shirkadaha ku hirdamaya khayraadka dhulka Soomaalida, iyadoo saman dhinaca shidaalka ah ka samaysay Badda Somalia, waxayna noqotay mid muquunisay loolanka ay ku wada jireen shirkaddaha kale saamayn ku yeelatay heshiisyo qarsoon oo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale la galay shirkadaha dilaaliinta ah ee usoo tafaxaytay inay boobaan khayraadka Somaliland, kuwaas oo uu hore u sheegay inay soo saarayaan shidaal, balse heshiisyada qarsoon ee uu la galay noqdeen kuwo waxba kama jiraan ah oo aan shidaal lagu soo saarayn, isla markaana natiijadoodu noqotay oo keliya in lagu boobo khayraadka dalka, iyadoo lagu macneeyay hawsha ay ka wadeen Somaliland mid sahamin shidaal ah, waxaya heshiisyadaasi saamayn ku yeesheen siyaasada arrimaha dibbada Somaliland iyo xidhiidhkii ay la lahayd dalalka Britain iyo USA, balse lama ogga inay baadhitaanka musuq-maasuq ee Shirkadda SOMA Oil and Gas waajahday waqtigan ay waajihi doonaan shirkaddaha dilaaliinta Wasiirka Macdanta Somaliland heshiisyada qarsoon la galay oo qaarkood si hoose oo tuugo ah u gurtaan khayraadka dalka Somaliland, kuwaas oo aan waxba bulshadu ka ogayn khayraadka ay guranayaan ee dalka.

Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.