barlamankacarabtaQaahira(ANN)Baarlamaanada Dalalka Carabta, ayaa markii u horaysay ka hadlay muranka ka aloosan gidaarka dawlada Kenya qorshaynay inay ka dhisaan xadka ay la wadaagto Somalia, kaas oo xukuumadda Kenya ee Uhuro Kenyatta ku tilmaantay inuu yahay mid amaankeeda lagu sugayo, kadib weeraro Al-shabaab ka fulisay gudaha dalkaa, balse laga cabsiqabo in xiisad siyaasadeed ka abuuranto.

Mudanayaasha Baarlamaanada dalalka Carabta oo kulan ku yeeshay xarunta Dalka Masar ee Qaahira, ayaa dood ka yeeshay arrinta Kenya ku doonayso inay gidaar ku xidho xadka ay la wadaagto Somalia. Kadib markii ay shirka Baarlamaanada dalalaka Carabta ee Qaahira gaadheen xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudida arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana mawduuc la xidhiidha muranka ka aloosan qorshaha Kenya ee gidaarka ay ka dhisay xadka ay la wadaagto Somalia la tageen madasha, taas oo sababtay in ajandaha dooda Baarlamaanada Carabta lagu daro mawduuca arrinta Kenya iyo Somalia ee gidaarka.

Baarlamaanka Carabta, ayaa dooda ay ka yeesheen mawduucaa kadib aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse waxay mudanayaasha ka qaybgalay doodu ku dheeraadeen sida ay uga xun yihiin qorshaha Kenya ee gidaarka lagaga dhisayo xadka labada dal dhexdooda, waxayna sheegeen in aanay macquul ahayn in Kenya gidaar ka dhisto xadka u dhexeeya Somalia, iyagoo weerarada Al-shabaab ay ka fuliso guddaha Kenya ku tilmaamay inay yihiin wax laga xumaado, balse aanay gidaar laga dhiso xadka waxba kusoo kordhayn xaalada amaanka Kenya, isla marakana tallaabada Kenya ee qorshahaa uu abuuri karo dhibaato aan loo baahnayn iyo xidhidhka labada dhinac ee Kenya iyo Somalia xumaado.

Xukuumadda Kenya, ayaa marar baddan sheegtay in aanay waxba ka beddelayn qorsheheeda ku waajahan Somalia ee ay ku doonay inay gidaar ka dhisto xadka ay la wadaagto Somalia, iyadoo markaa kadib kala baxay ciidamadeeda ku sugan Somalia, balse tallaabada Kenya ku doonay inay ku dhisto gidaarka, ayaa lala xidhiidhiyay mid xiisad siyaasadeed abuuri karta, iyadoo lagu eedeeyay xukuumadda inay ku doonay qorshahaa inay ku boobto dhulka Soomaalida, isla markaana aanay gidaar la dhisaa waxba ka beddelayn weerarada Al-shabaab ka fuliso guddaha Kenya, iyadoo kooxda Al-shabaab hore ugu hanjabtay in aanay gidaaro dhaadheer oo la dhisaa ka hor istaagayn weerarada ay doonayaan inay ka fuliyaan Kenya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.