fadhiga baaqday ee Baarlamaanka Somalia

Mogadishu(ANN)Baarlaanka Dawlada Somalia, ayaa markii labaad maanta ku guuldaraystay in ay meel mariyaan mooshin la doonayay oo xilka lagaga qaado Raysal wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia Cabdiweli Sheekh oo Madaxweyne Xasan Sheekh ay si weyn isu khilaafeen.

Fadhiga Maanta ee Baarlamaanka oo la filayay in mooshinka la doonayo in xilka lagaga qaado raysal Wasaaraha loo qaybiyo, si go’aan looga gaadho, ayaa ku dhamaaday Buuq iyo Sawaxan. Kadib markii Mudanaaysha diidanaa mooshinka Raysal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh ka bilaabeen Madasha Buuq iyo Sawaxan, isla markaana Heeso waddani ah bilaabeen, kuwaas oo doonayay in ay jawiga ku khal-khaliyaan.

Sidoo kale Xildhibaanada diidanaa mooshinka raysal wasaaraha, ayaa la arkayay iyaga oo sita Boodhadh ay ku qoran yihiin weedho halku dheg ah oo lagu diidanyahay Mooshinkaa.

Guddoomiyaha Baarlaanka Cabdiraxmaan Jawaari, ayaa fadhiga ka baxay sida ay sheegeen weriyayaal ku sugnaa dhismaha Xarunta Baarlamaanka Somalia. Kadib markii ay mudanayaashu ka dhega adaygeen codsigiisa ahaa in ay joojiyaan buuqa iyo Heesaha, waxaana sidaa ku dhamaaday fadhiga iyadoo aan mooshinka la hor keenin golaha, isla markaana sawaxanka iyo buuqa fadhiga Baarlamaanku ku dhamaaday noqonaya markii labaad ee uu natiijo la’aan ku dhamaado.

khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa soo ifbaxay 25 Sep, 2014, balse Baarlamaanka Somalia, ayaa 11 Sep 2014 loo gudbiyay mooshin la doonayay in xilka lagaga qaado raysal wasaaraha, kaas oo suurtagal noqon waayay kadib markii ay awooddi waayeen Baarlamanku in ay meel mariyaan Mooshinkaa oo ay golaha horgeeyeen xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna fadhigaa oo ka horeeyay kan ku dhamaaday buuq iyo sawaxan gacan ka hadal isu bedelay oo sababay in la xidho fadhiga sidaana lagu kala dareero.

Maalmihii u danbeeyay waxa magaalada Muqdisho isaga dabqaadayay Dublamaasiyiin ka socda dalalka reer galbeedka, kuwaas oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Somalia, iyagoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay sdii loo joojin lahaa mooshinka raysal waasaraha Soamlia, balse kulamada ay la yeesheen Madaxweynaha Somalia ayaa ku dhamaaday guuldaro. Kadib markii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku gacansaydhay soo jeedinta Dublamaasiyiinta ee daminta Khilaafka isaga iyo Raysal wasaare Cabdiweli, wuxuuna ku adkaystay inuu jawaabta Baarlamaanka sugayo oo aanu wax faragelin ah ku samaynayn.
.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com