Baarlamaanka SomaliaMuqdisho(ANN)Ku dhowaad kala badh xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa u gudbiyay Shir Gudoonka Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, kaas oo la doonayo in xilka laga xayuubiyo.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan mudanaaasha mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh u gidbiyay golaha, ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada mooshinkaasi iyo waxyaabaha ay ku eedaynayaan Madaxweynaha.

Mudane Goodax Bare, wuxuu sheegay in 91 mudane oo cuskanaya sharciga iyo Dastuurka dalka gudbiyeen mooshinkaa, isagoo tilmaamay waxyaabaha lagu eedeeyay Madaxweyna.

“Madaxweynaha Kalsooni ayaan ku doorannay, haddii uu shaqadii loo dhiibay uu kasoo bixi waayana xilka ayaan ka qaadeynaa” ayuu yidhi Xildhibaan Godax.

Sidoo isagoo ka hadlaya qodobada Madaxweynaha lagu soo eedeeyay waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay jabinta Dastuurka dalka u yaalla iyo arrimo kale, wuxuuna isagoo arrintaa tilmaamaya yidhi, “Tani Tallo soo jeedin maaha ee waa xil ka qaadis, Madaxweynaha waxaa lagu eedeynayaa inuu jebiyay Dastuurkii dalka u yaallay, waxaa kaloo lagu eedeynayaa Madaxweynaha in uu jabiyay dhanka xuquuql insaanka, musuq-maasuq uu ku kacay, daryeel la’aanta ciidanka iyo waxyaabo kale, sidaa darteed mooshinka guddoonka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay, ayaa sheegay, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku xadgudbay arrimo qaran, taas oo sida uu sheegay sababtay inay mooshinka ka dhanka ah u gudbiyaan Baarlamaanka.

“Caddaymo baddan ayaan u haynaa oo Documenti loo hayo, ha noqoto dhanka Dastuurka, ama hana noqoto xuquuqda aas-aasiga ee Bini’aadamka qofka Somaliyeed uu leeyahay, ama inuu ku dhaqaaqay musuq- maasuq aan loo ganban iyo inuu faragelin ku sameeyay Hay’addihii aas-aasiga ahaa ee Dastuuriga ahaa oo la rabay inay noqdaan kuwa ka madaxbanaan Xukuumadda oo ay ka mid yihin Maxkamadihii dalka.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xoosh Jabriil.

Wuxuuna Xildhibaan Xoosh Jabriil sheegay in mooshanka la gudbiyay socday muddo aan ka yarayn Lix bilood, isla markaana ku dhaliilay Mudanayaasha in aanay isku duubnayn oo ay inta baddan mooshinada ay gudbiyaan ka mshquulaan iyadoo aan natiijadiisa la gaadhin.

“cilada na haysata waxaa waaye Baarlamaan waxaa nahay Luggo ku socod ah oo gur guuranaya, waxyaabo baddan ayaa naga maqan, waxaan nahay Baarlamaan lagu keenay qaab qabaa’il ah, badanaa ma dhacdo dano qabiil inay noqdaan dano qaran, weli ma dhicin inta meel la isugu yimi oo mooshin lasoo daabacay. Mooshinka hadda la gudbiyayna wuxuu soo socday muddo lix bilood ah, waxaan ku mashquulsanaa Raysal Wasaaraha, meesha ay wax ka qudhunsan yihiin waa halkaa.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Xoosh Jabriil.
Wuxuuna tilmaamay mushkilad ku habsatay Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh oo sababtay in soo waajahday mushahar la’aan, shaqaalaha iyo ciidamada ah, isla markaana masuuliyiintii ay kala xisaabtameen aanay dheg u jalaq siin oo ay cayaar cayaar u arkeen arrintaa.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.