Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa maararow iyo waxaan shaqadooda ahayn ku tilmaamay mooshin la sheegay in la horgeeyey Baarlamanka dawladda taagta daran ee Soomaaliya, kaasi oo lagu diidanyahay heshiiska saldhigga Millatariga Berbera ee dhawaan xukuumadda Somaliland la gashay dawladda Imaaraadka Carabta.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in aanay wax jira ahayn Baarlamanka iyo dawladda ciidammada shisheeye ku ilaaliyaan magaalada Muqdisho, isla markaana aanay waxba yeeli karin Somaliland oo dal madaxbannaan oo dadkiisu u tashadeen.
“Baarlamanka iyo dawladda la leeyahay waa kuwa Soomaaliya midna wax jira maaha, waayo waxa weeye dawladi dal ma xukuntaan, cashuur ma qaadataa, heshiis ma gali kartaa, mushahar ma bixin kartaa, ma la soo doortay? Intaasiba ma jirto, Soomaaliya way googo’day oo shan meelood baa loo kala jaray oo ay kala haystaan shan waddan oo danahooda ka samaystay, magacana (dawladda) waxa loogu talogalay mid la isticmaalo oo wixii khayraad ahna lagu gurto, dhallinyartana lagula dagaallamo oo la yidhaa dawladda Soomaaliya ayaa na ogolaatay inay ciidammadu soo galaan, markaa nimankaasi aad leedahay waa Baarlamaan kuwa innaga innagaga magaca Somaliland ku jirana waynu ognahay in aanay innaga ina matalin, kuwa kalena kontan kontan qof oo ay lacag siiyeen ayaa doortay, wax jira maaha ee waa lagu shaqaystaa, mushaharka waa la siiyaa oo haddaa la doono waa laga jaraa. Waxaan leeyahay waar hawsha idiin taalaa way badan tahay oo Soomaaliya waxay u baahan tahay in la badbaadiyo dadkeeda iyo dhulkeedaba, maanta ma jirto wax Soomaaliya la yidhaa ee waa magac lagu shaqaysto, innaguna magacaa waynu la wadaagnaa, laakiin way baabiiyeen oo waxyaabaha aannu doonayno in aynu ka guurno waa magacaa ay qudhmiyeen, maanta waxa jooga Afrikaan, Siralyon baa joogta, Burundi baa joogta oo iyaguba waddankoodii wadi kariwaayey,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo suxufi ka tirsan telefishanka Soomaaliga ah ee Universal wax ka waydiiyey mooshinka la geeyey Baarlamanka Muqdisho shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Ragga leh wax baanu samaynaynaa (Baarlamanka) Jubbaland kuma laha saamayn oo ka tirsan Federaalka, Puntland iyo maamullada kale midna saamayn kuma laha, meel allaale iyo meel ay talo ku leeyihiin ma jirto waa niman waxay qabtaan waayey oo Somaliland ka dhiganaya meherad, markaa waxaan leeyahay haddaad wax qabsanaynaa inta idin hoos taal baa badan, waqtiga ha iska khasaaranina Somaliland dadkii lahaa baa gacanta ku haysta oo annaga saxeexnay, 1960-kiina aabbayaasho ayaa dalka ku daray dalka, maantana carruurtoodii baa dib-ula-soo noqotay oo u aragnay in aanay dan u ahayn dadka reer Somaliland, colna lama nihin Soomaaliya oo inay wax noqdaan annagaa jecel, laakiin cadaawad ha abuurina. Hadday dan leeyihiin dawlad-goboleedyada ha baabiiyaan, ciidammada ha iska qaadaan, xalka Soomaalidu wuxuu ku jira gacmaha Soomaalida ee kuma jirto Siralyoon, Maraykan iyo Ingiriis midna.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha UCID uu farriin u diray shacabka reer Somaliland oo uu u hogo-tusaaleeyey baaxadda cadaawadda ay u hayaan siyaasiyiinta Soomaaliya, waxaannu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay waydinkii lahaa Soomaaliya dekedda ayey bixiyeen oo heshiiskii DP World ayey saxeexeen ee siyaasiyiinta Soomaaliya in aynu wax cunnoba inooma ogola, iskadaa in la inoo dhiso deked iyo waddo ee in aynu noolaanaba ma ogola, laakiin waxay inna yeelayaan ma jirto, Somaliland waa waddankeenii oo innagaa u dhalanay oo ka talinayna, innaga ayaa u dhimanay oo xabaalaheenii baa maalin kasta la soo faqayaa markaasaad (warbaahinta) nin jooga Xamar iyo Maraykan aad leedihiin sideed u aragtaa heshiiska Somaliland.”