Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Wed, Dec 23rd, 2015

Badhaaabka Cusub Ee Gobolka Daad-Madheedh Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay

Araweelo News Network

Badhasaabka Gobolka Daad-Madheedh Dr.  Axmed Naasir Maxamed Xaashi

Badhasaabka Gobolka Daad-Madheedh Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi

Hargeysa(ANN)Badhasaabka Cusub ee loo magcaabay Gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ka dareen celiyay xilka loo magcaabay, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u magcaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Daad-madheedh. Dr. Axmed, wuxuuna isagoo ka hadlaya dareenkiisa xilka loo magcaabay mar ay khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhay shebekadda Araweelo News Network yidhi, “Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu ii magcabaay markii uu ku arkay CV-gayga, isla markaana Aqoontayda iyo waaya-aragnimadayda ee ku qancay inaan hanan karo xilkaa, waxaana Ilaahay ka baryayaa inuu Xilka igu asturo”.

Dr. Axmed Naasir, wuxuu sheegay inuu horeba u ahaa shaqaalle Dawladeed, deegaanka loo magcaabayna uu yahay Gobol Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerahaba caan ku ah, isla markaana aanu ku cusbayn oo uu hore uga shaqeeyay aqoon fiicana u leeyahay, isagoo yidhi, “Marka horeba shaqaalle dawladeed ayaan ahaa, deegaanka lay magcaabayna waa deegaan Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerraha caan kua ah, waana kasoo shaqeeyay oo iguma cusba” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-madheedh.

Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha Gobolka, ayaa hore xilal uga soo qabtay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka TB Hospital, wuxuuna waqtigan ka mid ahaa saraakiisha mid ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland, isagoo Aqoon fiican u leh Maamulka iyo Maaraynta, xalinta Khilaadka qorshaynta mashariicda, Wacyigelinta iyo Horumarinta Bulshada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp