Exif_JPEG_422

Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax

Boorama(ANN)Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ka dayriyay nidaamka Hay’addaha dawlada ee gobolku yihiin kuwo aan shaqayn, wuxuuna sheegay in 21 xafiisyada Wasaaradaha ee gobolka masuuliyiin ka joogaan ay 15 ka mid ah yihiin fadhiidh oo aanay shaqayn.

Guddoomiye Ramaax, wuxuu balanqaaday in uu kormeeri doono xafiisyada Wasaaraddaha iyo Hay’addaha gobolka, isagoo yidhi, “21 Haya’adood 15 ka mid ah ayaa fadhiidh ah, waxaan balan ku qaadayaa inaan kormeer ku maro, kuwa aan shaqayna aan u gudbinayo Wasiirada xukuma Wasaaradaha, haddii ay wax ka qaban waayana waxaan u gidbinayaa Madaxweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi Ramaax.
Badhasaabka Awdal wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta aan gudan karayn shaqadooda in ay xilka iska casilaan si loogu bedelo qof gudan karaya shaqada qaranka oo ummada u shaqeeya.

Dhawaaqa Badhasaabka Awdal waxa laga soo dhoweeyay dhinaca Bulshada gobolka Awdal, kuwaas oo Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan u arka inuu yahay masuul doonaya in hay’addaha dawladu noqdaan kuwo u shaqeeya bulshada, balse aanay xafiisyadu noqon kuwo mushahar lagu qaato oo magac ahaan oo keliya u jira, isla markaana dayaca hawlihii ay bulshadu u qaban lahaayeen iyo adeegyadii loo baahnaa inay ka fuliyaan gobolka.

Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan oo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xukunka July 2010 loo magcaabay gobolka Saaxil, ayaa xilka laga qaaday xiligii doorashooyinkii golayaasha deegaanka, balse mar kale ayuu Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay gobolka Sanaag dhammaadkii April 2014, waxaana magcaabistiisa si weyn usoo dhoweeyay dadweynaha gobolka Sanaag.

 

Gudoomiye Ramaax waxa mudadii uu Badhasaabka gobolka Saaxil ahaa,  masuul lagu tilmaami jiray inuu yahay Badhasaabkii ugu adkaa Gudoomiyayaashii Madaxweyne Siilaanyo xiligaa u magcaabay gobolada dalka, isla markaana waxa lagu suntay Ramaax inuu ahaa Gudoomiyaha ugu kartida badnaa masuuliyiinta heer gobol ee Madaxweyne Siilaanyo magcaabay xiligaa. Sidoo kale waxay dadku ku sifeeyeen inuu ahaa Masuul garanaya awooda Badhasaabka iyo masuuliyada xilkiisa, isla markaana fahamsan inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha iyo dawlada dhexe, wuxuu mudadii uu gobolka Sanaag joogay wax weyn ka qabtay dhismaha hay’addaha dawlada ee gobolkaa, kuwaas oo mudadii uu gobolka joogay ka dhigay mid maamul dawli ah ka muuqdo, isagoo kormeero ku samayn jiray xafiisyada hay’addaha dawliga ah ee gobolka oo ahaa wixii ka horeeyay magcaabista Guddoomiye Ramaax kuwo magac ahaan keliya u jira oo mushahar ay ku qaataan dad ku magcaaban xafiisyada dawlada ee gobolka, waqtigana wuxuu u muuqdaa nin boodhka ka tumaya xafiisyada laamaha dawlada ee Awdal.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.