Hargeysa(ANN)-Barnaamij daaha ka feydaya dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka la hayb-sooco ee ka mid ah Bulshada Soomaalida, ayaa lagu faaqiday  dulmiga ugu qotada dheer, uguna huqda weyn caalamka ee horumarka u diiday Bulshada sida weyn loo faquuqay.

Dulmigan ayaa ah Takoor iyo Faquuq ay dhaxleen qaar ka mid ah Bulshda  “Qoyska Soomaaliyeed”, waxaana lagu macneeyay dhaqan guun oo salka ku haya caaddooyin iyo sheekooyin kala duwan oo badan.

Barnaajimka, ayaa ka jawaabaya Xagee buu ka yimi dhaqanka Haybsoocu?

Sidee buu u qaabeeyaa nolosha dhibanayaasha?

Waa maxayna dhibaatooyinka uu ku reebay?

Maxaa se lagaga bixi karaa?

Su’aalahaa iyo kuwo kale, waxa jawaabtooda soo bandhigaya Barnaamijkan muuqaalkan oo ay ka qayb qaadanayaan aqoonyahan, siyaasiyiin, sharciyaqaano, dhalinyaro iyo qaybo kale oo Bulshada ah.

Halkan ka daawo.