Araweelo News Network

inqilaabkii-turkiga1
Ankara(ANN)Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa baahiyay barnaamij xasaasi ah oo daaha ka faydaya qaabkii uu u dhacay inqilaabkii Fashilmay ee wadanka Turkiga.

Barnaamijkan oo loogu magac daray “Habeenkii Inqilaabka” oo Dawlada Turkigu ku eedaysay Wadadaadka fadhigiisu yahay Dalka Maraykanka ee Fatxullaah Gulen, waxaana muuqaalkaa lagu soo bandhigayaa xoga qarsoonaa oo ku waajahan inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga ka bilaawday 15,July,2016, melleteriga ayaa isku dayay in ay dilaan ama ay xidhaan Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Turkiga.

Barnaamijka waxaa lagu wareysanayaa wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rajap Dayib Erdogan oo qaarkood isku day dil ka badbaaday habeenkii Inqilaabka.

Halkan Ka Daawo