Guddoomiyaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen (Mu’addinka) Oo Kaga jawaabay Eedaha Loo Jeediyay

Hargeysa(ANN)-Barnaamijka Shaqo Qaran ee Madaxweynaha Somaliland bilaabay, ayaa waajahay fadeexado, kadib markii  Guddoomiyaha Shaqo Qaran shaaciyay 15 July in lagu tartamayo 400 shaqaale ah oo ay soo dalbatay Shirkadda Singapore oo Shiinaha laga leeyahay. 

Dhalinyaradaa waxa qorshuhu ahaa in kuwa ku guulaysta Imtixaanka loo qaado dalka China, balse waxa is bedelay durbadiiba tirada uu Guddoomiyaha Shaqo Qaran Maxamed Xasan (Mu’adinka) hore ugu shaaciyay Bogga Facebook ee shaqo qaran oo markii danbe tirada loo baahanayhay lagu shaaciyay 300.

Waxaana kasoo xaadiray inay tartankaa Imtixaanka galaan 980 Arday, sida uu Guddoomiye Maxamed Xasan shaaciyay, balse waxa soo baxay cabashooyin dibedda soo dhigay in ay  fadeexado  soo waajaheen, ka dib markii dad aan ka tirsanayn barnaamijka Shaqo Qaran si qarsoodi ah loogu dhex-daray dhalinyarada Shaqo Qaran oo goobo qarsoodi ah loogu ururiyay. sida ay ku doodayeen qaar ka mid ah dhalinyaradaa oo warbaahinta la hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Imtixaanka oo Jaamacadda Hargeysa lagu qaadayay, waxa diyaar u ahaa inay ka qaybgalaan 980 dhalinyarada shaqo Qaran ka tirsanaa, isla markaana sheegay inay  ogaadeen in goobo kale oo Hargeysa ka tirsan si qarsoodi ah imtixaan loogaga qaadayo dad aan ka tirsanayn barnaamijka Shaqo Qaran.

Afaafka hore ee Jaamacadda Hargeysa
Afaafka hore ee Jaamacadda Hargeysa

Koox suxufiyiin ah oo ay dhalinyaradaasi uga warameen cabashadooda si Masuuliyiinta sare ee Xukuumadda loogu gudbiyo, ayaa xabsiga loo taxaabay shalay, balse waxa xoriyadooda loo celiyay maanta.

“Imtixaanka waxa lagu qaaday Jaamacadda Hargeysa, waxa laga kala yimi Bari iyo Galbeed, Waxaan aragnay dhalinyaro aan shaqo qaran ahayn oo Imtixaankii nala gelaya, markii aanu ka hadlay waa nalaga saaray, markii aanu dhamaysanay Imtixaankii waxaan ku baraarugnay in 300, qof ay ku iyaguna Imtixaan ku gelayaan Huteelka Grand Hadi, waxaan ku aragnay indhahayaga, markii aanu saxaafada u yeedhnay ee arrintii tusnay, waa la xidh-xidhay saxaafadii, Markaa waxaan leenahay shaqo qaran waxay ahayd 1,500, waana la wada garanayaa ee goormay Somaliland wada shaqo qaran noqtay oo kuwii aan Hargeysa kaga tegey markaan Dararweyne ku jiray Kaadhadhka loo sameeyey , Madaxweyne balanteenu waxay ahayd sinaan iyo Cadaalad ee arrintaa wax ka qabo.” Sidaa waxa yidhi, Cabdale Siciid oo ka mid ah dhalinyarada la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay, wuxuuna sheegay in tirada rasmiga ah ee ay Imtixaanka la rabay inay ka qaybgalaan aanay ahayn sida uu horre u sheegay, balse ay shirkaddu balanqaaday saddex Boqol, isla markaana ay shirkaddu xaq u leedahay inay qaadato cidda ay doonto sida ay shirkaddaha kale ee dalka ka jiraaba sameeyaan. sidaa awgeed wuxuu sheegay in Afarta dhalinyarada ah laga saaray shaqo qaran, kadib markii ay ku kaceen arrimo sida uu sheegay dhaawacaya sumcada Barnaamijkaa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bilaabay Barnaamijka Shaqo Qaran oo dhawr kun oo dhalinyaro ah ka qaybqaateen, isla markaana noqday Barnaamij si weyn Bulshadu ugu riyaaqday oo loo arkayay shaqo-abuur, waxaana muuqatay in Madaxweyne Muuse Biixi ku kasbaday quluubta kumanaan dhalinyaro ah iyo Bulshada kaleba, balse fadeexadaha kasoo baxay qaabka loo maamulay hawshan, ayaa si weyn u  xaggal-daacin-kara rajadii laga qabay, iyadoo jawaabta Madaxweynuhu ka bixiyo arrimaha dhacay iyo tallaabada uu qaadaa ku xidhanyihiin jiritaanka mustaqbalka Barnaamijka Shaqo Qaran.