Araweelo News Network

Washington(ANN)-Bogga uu Madaxweyne Trump  ku lahaa Twitter-ka, ayaa  si kooban hawada looga saaray shalay gelinkii danbe, balse  saacado ka dib hawada ayuu dib loogu soo celiyay, sida ay sheegtay shirkada leh barta ay bulshadu ku xidhiidhto ee Twittter.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan badheedh ahayn, balse ay  ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

 

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaa hadda baadhitaan wada, iyadoo Madaxweyne
Trump  aad u isticmaalo Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xidhan 41.7 milyan.

Madaxweyne Trump, ayaan weli ka hadlin arrintan, waxayna
Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista xili  kooban arkayeen fariin odhanaysa “ciwaankaas ma jiro!”.